Hargeysa-(Berberanews)- Agaasimaha Xafiiska siyaasadda, Xidhiidka Goleyaasha iyo dadweyneha ee Madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir, ayaa jawaab ka bixiyay tabashooyin ka soo yeedhay xisbiyadda mucaaridka UDUB iyo UCID oo ku eedeeyay xukuummaddu inay keligeed isku koobtay wufuudaha dalalka caalamka ka yimaada oo aan loo ogolaan fursad ay kaga qaybgalaan.
Agaasime, Bashiir oo aan hore loogu arag fagaarayaasha siyaasadda iyo warbaahinta toona, waxa uu difaacay siyaasadda Madaxweyne Silanyo dalka ku hoggaamiyo islamarkaana waxa uu xusay in Madaxweynuhu talada dhex dhigay mujtmaca Somaliland inay doortaan waxay iyagu doonayaan, waxaannu tusaale u soo qaatay Guddiyadii talo-bixinta furashada ururada siyaasadda ee ka koobnaa saddexda xisbi iyo aqoonyahanada kale ee bulshada inteeda kale ka timi.
War-saxaafadeed uu Bashiir ugu jawaabay mucaaridka, ayaa isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan; “Waxa muuqata inay wali la dhutinayaan xisbiyada mucaridku burburkii ka dhashay guul daradii foosha xumayd ee ay kala kulmeen doorashadii madaxtooyada sanadkii 2010-kii, iyada oo ay waliba u sii dheer tahay khilaafadka gudahooda taas oo gaadhsiisay qaarkood ilaa heer maxkamadeed, halka qaarkoodna aanay lahayn haykal xisbi oo udhisan oo ay wali ka dhur sugayaan bal in hogaankoodii mar uun dib ugu soo laabto dalka.
Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isaga oo fulinaya ballan qaadkiisii xilligii doorashadiisii waxa uu magacaabay guddi ka kooban xisbiyada siyaasada iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo ka soo talo bixiya, bal in loo baahan yahay furista tartanka ururada siyaasada, Markii ay jawaabtii dadweynuhu ay noqotay haa, hala furo tartanka ururada siyaasada, qiimayntaas waxa ay muujisay sida ay bulshadu uga quusatay siyaasada fadhiidka ah ee xisbiyada mucaaridka ah iyo in loo baahan yahay in la helo asxaabtii siyaasadeed ee hogaamin lahayd Bulshada mustaqbalka soo socda.
Hadaba hadalada ku saabsan inaan laga qayb galin labada xisbi ee mucaaradka ah shirarka muhimka ah ee wufuda dibada inooga timaadaa maaha wax jira , ee sida aynu kor ku soo sheegnay waxa meesha ka baxay oo liita doorkii siyaasaasadeed ee ay saaxada ku lahaayeen labadaas xisbi maadaama ay bulshadu sugayso isbadal ka dhalan kara marka loo tartamo Ururada siyaasada.
Doorashadii madaxtinimada ee uu ku guulaystay Madaxweyne Axmad Siilaanyo oo hogaaminayay Xisbiga talada haya ee Kulmiye waxay ahayd mid aqlabiyada codka dadka uu ku helay oo Dayaxa ka cad , hadii meel uun musuqmasuq iyo madmadaow lagu sheegay, waxa uu cabdilahi jawaan oo ka mid ahaa komishankii doorashooyinka Qaranka ee sannadkii 2003 dii sheegay in ay jirtay xilligaas oo uu soo baxay xisbiga ucid ku shubasho iyo wax isdhaafdhaafin.
Xukuumadu waxay si wayn udardar galisay talaabooyinkii loo mari lahaa in dalkan ay sideedii uga dhacaan doorashooyinka la sugayo, waxa la ansixiyay xeerka nidaamka
ururada iyo Asxaabta siyaasada, waxa la magacabay guddidii diiwaan galinta ururada, waxa ay xukuumadu ku shaqayn doontaa qorshaha ay udhigeen Komishanka doorashooyinka qaranku arimaha hirgalinta doorashooyinka dalka.
Arrimuhu maaha sida uu u arko ama u hadlay faysal cali waraabe oo ay dadweynuhu aad ula yaabeen hadaladiisa oo ka fogaa xaqiiqada , xilligan oo ummadu ay ka sugaysay bal inuu soo bandhigo halka uu la damacsan yahay xisbiga ay dhawaan maxkamadu dib ugu xukuntay inuu gudoomiye ka yahay, dadku waxay iswaydiinayaan hadiiba loogu yeedho inuu ka soo qayb galo shirarka uu sheegayo in laga reebay tallow yaa soo raaci lahaa makelidii ayuu iman lahaa ilayn ragii ka dareerye, maanta se ma ku haboonayd inuu ka hadlo fagaarayaasha oo uu soo jeediyo dhaleecayn aan jirin
Miyaanay muujinayn quus siyaasadeed in markasta oo uu hadlo Faysal Cali Waraabe uu ku hanjabo nabadgalayada ayaa faraaha ka baxaysa, dadku madaxtooyada ayuu ku dareeri iyo Arrimo la mid ah, halkii uu ku hadli lahaa waxii xoojinaya amniga iyo horumarka dalkan ee uu Faysal muddo dheer quudaraynayey madaxnimadiisa.
Siyaasada Arimaha dibada ee xukumadan madaxweyne Axmad Siilaanyo waxa ay ku qotontaa oo ku salaysan tahay dastuurka Qaranka oo lagu Ansixiyay Afti Qaran, barnaamijka Xisbiga KULMIYE iyo barnaamijka Xukuumadda, intaas oo dhan oo ka turjumaya go’aankii gooni isu taaga Somaliland iyo la soo noqoshada xorriyadda Somalililand 18/05/1991.
Xukuumadda hadda talada haysa siyaasadeeda arrimaha dibadu waxay badhax tiray rabitaanka shacabka Somaliland ee helitaanka aqoonsiga Somaliland, taasi oo uu ka kasbaday adduunka, tix gelin iyo gar-waaqsi xaqa Somaliland ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah ee tooska ah, iyada oo maanta siyaasadeena dibadu ay marayso heer caalami ah, laga bilaabo Dalalka jaarka ah, Afrika, United nation-ka, USA, Yurub iyo dalalka Carbeed, waxana marag ka ah shirarkii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedu Golaha Amaanka iyo Masuuliyiinta kala duwan ee dalalka aduunka, wufuuda kala duwan ee dalka ku soo qulqulaya iyo talooyinka ka soo baxaya masuuliyiinta dalalka aynu jaarka nahay ee ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta aynu kaga jirno beesha caalamka.
Arrinta Diwaan gelinta codbixiyeyaasha & muwaadiniintu waa hawl u taala komishanka doorashooyinka qaranka iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xisbiyada Siyaasaduna wax kaalina oo ay ku leeyihiin Arrintani ma jirto
Shicibka reer Somaliland waxa umuuqda isbdalka dhaqaale, maamul, siyaasadeed iyo horumarineed ee ay ku talaabsatay xukuumada haatan sannadka jirtay ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmad Siilaanyo.
Ugu danbayn waxa aan hadalkayga ku soo koobayaa oo aan leeyahay Asxaabta mucaaradka ah maaha inaad dhaliishiina dibad yaalka ah aad ku badhaxdaan dhaliilo aan sal & raad toona lahayn oo aad u soo leexisaan xukuumada idinka oo danaynaya in aad iska jeedisaan indhaha bulshada.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com