Sheekh-(Berberanews)- Waxa maanta lagu dhawaaqay Natiijadii Imtixaanka Ardaydii Dugsiga dhexe ee Degmada Sheekh u fadhiisatay Imtixaankii Dugsiga Boondhinka ah ee SOS Sheekh oo Sanadkasta ay galaan Siddeed arday ee ugu sareeya Imtixaan gaara oo ay Maamulka Dugsiga SOS u diyaariyaan kala reebida Ardayda ka soo gudubta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Wasaardda Waxbarashada.
Xaflad loo sammeeyay baahinta ardayda ku guulaystay imxtixaanka oo lagu qabtay xarunta Dugsiga waxa ka soo qaybgalay Maamulaha Dugsiga SOS George Sobban, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Cabdi Cartan X.abokor, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Maxamed Ibraahin X.C/laahi, ardaydii Imtixaanka gashay, Xildhibaano iyo Masuulin kale.
Maamulaha Dugsiga SOS George Sobban oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay ardayda ku guulaysatay imtixaanka.
Gudoomiye ku xigeebnka Degmada Sheekh Cabdi Cartan, ayaa halkaa ka yeedhiyay sideeda arday eek u guulaystay imtixaan shalay laga qaaday 99 arday oo u fadhiistay Dugsiga SOS
Magacyada ardayda ku guulaysatay Imtixaanka
Bashiir Cismaan Xasan Xandule
C/risaaq Maxamed Gulled Adan
C/fataax Jamac Nuur Soofmaal
Maxamed Diiriye Faarax C/laahi
Aadan Salax Ibraahin Rooble
Ibraahin Maxamed Axmed Cali
Ciise Sleebaan Bile Siciid
Hodan Maxamed Ibraahin X. Guray.
Khadar Jaamac Xaashi
Berberanews, Sheekh