Washington(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayay Somaliland marxaladihii ay soo martay iyo wixii u qabsoomay ka jeediyay Jaamacadda Howard University ee dalka Maraykanka.
Sidaasna waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu Caawa soo saaray Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, waxaanu warkaasu u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo in muddo ah ku joogay socdaal Diplomaasiyadeed Cariga Maraykanka ayaa Kulammadiisii ku soo gebo-gabeeyey khudbad uu ka jeediyey Jaamacadda Howard University oo ah Jaamacadda ugu weyn ee Afrikaan-Amerikanku leeyihiin. Kulankaas waxaa ka soo qayb-galay Baadhayaal sare, Ardayda Jaamacaddaas iyo dadwayne kale oo xiiseeya Arrimaha Somaliland.
Dadkii Madashaasi ka soo qayb-galay ayaa wax badan ka bartay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guulaha ay ka gaadhay Dhismaha Dawladnimo iyo Horumarka ay ka gaadhay dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Iskaashiga Caalamiga ahba.
Jaamacadda Howard ayaa iyana dhinaceeda ballan-qaadday inay la shaqaynayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay sheegtay inay oggolaatay laba arday oo diyaarinaya Shahaadada sare ee PHD in ay ku takhasusaan barashada Waddanka Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirku waxa uu kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Washington DC, Shirkan oo ay Jaaliyaddu ku xog-waraysatay Wasiirka ayaa taabanayay xaaladda Waddanka, guulaha iyo Dhibaatooyinka jiraba, waxaaanu Wasiirku uga xog-warramay ujeeddada Safarkiisa uu ku joogo Maraykanka.
Safarkan Wasiirku ku tagay Carriga Maraykanka ayaa ahaa kii ugu horreeyey inta Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka ay haysay, waxaanu qayb ka yahay dedaalka ay Xukuumaddu ugu jirto ka midho dhalinta Himilada Shacabka Somaliland iyo Xaqiijinta Ictiraaf buuxa oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Quruumaha Aduunka.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.