Gaalkacayo, 21 September 2011 (Berberanews.com)- Koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa badhtamaha magaalada Gaalkacayo toogasho ku dilay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntlan. Dilkan oo dhacay wakhti fiidkii xalay ayaa Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed Xaaji (Koodhaa) la sheegay in wakhtiga la dilay uu ka soo baxay Masaajid uu ku tukaday salaadii makhrib, kuna socday Gurigiisa, hasa yeeshee koox hubaysani rasaas ooda kaga qaadeen, taas oo sababtay inuu halkaa ku geeriyoodo.
Dilka xildhibaankan ayaa kor u sii qaaday xiisadihii ka taagnaa magaalada Gaalkacayo oo labada maamul ee Puntland iyo Gal-Mudug si wayn isugu hayaan, wakhtiyadii u danbeeyayna ay ka jireen dilal iyo shirqoolo intooda badani salka ku haya aanooyin qabiil oo u dhexeeya dadka wada dega magaaladaas.
Magaalada Gaalkacayo oo iyadu ahayd xarun ganacsi oo xidhiidhisa badhtamaha iyo koonfurta Somaliya ayaa waxa si wayn u hadheeyay xiisad ka dhex jirta labada qabiil ee magaaladaas wada dega, taas oo cirka isku sii shareertay ka dib markii labada maamul ee Puntland iyo Gal-mudug soo dhex galeen.
Degaanada Puntland ayaa bilihii u danbeeyay waxa ka jiray dil iyo kala aar goosi u dhexeeya beelaha, kuwaas oo intooda ugu badan lagu beegsado saraakiil iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Puntland.
Faysal Maxamed Xasan
Roperter of Berberanews.com