Ciidanka Booliska Boorame oo hawlgal laba maalmood soconayay ku qabqabtay koox dhallinyaro ah

Boorama- (Berberanews.com)- Ciidanka booliska Somaliland ee magaalada Boorama ayaa sida wararka ka imanay magaaladaasi sheegayaan qab qabtay kooxo dhalinyaro ah oo looga shakiyay inay diyaarinayaan rabshado iyo talaabooyin ammaanka khal khal galin kara.

Hawl gal sida la sheegay ay iska kaashanayaan Qaynta Birmadka (SPU) iyo Ciidanka Saldhiga dhexe ee Booliska Boorame oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Boorama ayaa lagu qab qabtay ilaa dhawr qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo boolisku sheegeen inay ku hawlanaayeen oo ay qorshaynayeen waxyaabo ammaanka halis galin kara, inkastoo aanay faafaahin dheeri ah ka bixin boolisku.

Tan iyo Sabtidii markii uu magaalada Boorama booqday Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad waxa magaaladaas laga dareemayay heegan dheeraad ah oo la galiyay ciidamada booliska, waxa kale oo jiray hawl galo dhawr ah oo ay ku dhaqaaqeen, gaar ahaan dhalinyaro laga qab qabtay magaalada.

Waxa jiray warar sheegaya in salaasadii todobaadkii hore ay booliska magaalada Boorama xidheen oo xabsiga dhigeen, wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cismaan Xaaji Nuur (Ina Shimbiraale) kaas, oo sida uu sarkaal ka tirsan booliska Somaliland sheegay lagu qabtay isagoo sita calan Awdal State ay ku qoran tahay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Somaliland ee magaalada Boorama oo magaciisa ka gaabsaday ayaa warbaahinta u sheegay in xubno kale oo loo tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen calanka wiilkaas dhalinyarada ahii sitay ay xidh xidheen marka baadhistooda la dhameeyana deg deg maxkamad loo hor gayn doono, isagoo intaa ku daray in wiilkaas dhalinyarada ah ee lagu qabtay calanka deg deg ay ugu gudbiyeen xabsiga dhexe ee magaalada Boorama.

Booliska Boorama ayaa sidoo kale shalay  afar dhalinyaro ah xabsiga u taxaabay kuwaas oo ay sheegeen inay ku lug lahaayeen rabshado dhalinyaro oo lagu dhibaateeyay gaadiid, xubnahan la qabtay waxa ku jira sida wararku sheegayaan mid ka mid ah ilaalada meheradaha ganacsiga gaar ahaan xarunta shirkada tilifoonada ee Afrika Online ku leedahay Magaalada Boorame.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boorame ayaa, aad u hadal hayay ololaha ay Ciidamada Birmadka iyo Booliska Boorame kusoo qabqabanayaan kooxahan loo haysto falalka rabshadaha ah oo sida la sheegay ahaa qar loo soo abaabulay in rabshado ku khalkhal galiyaan munaasibadii soo dhaweynta Ugaaska ee Salaasadii hore ka dhacday Magaalada Boorame. Sidoo kale habka loo qab qabtay dadkan iyo eedaha loo haysto ayaan kala cadayn inkastoo inta badan loo haysto rabshad abuur iyo inay ku hawlanayeen waxyaabo ammaanka halis galin kara.  

Berberanews.com

Boorame, Awdal

Email, info@berberanews.com