Hargeysa-(Berberanews)- Eng. Cabdi Jaamac Yuusuf, oo ku takhasusay cilmiga wershadaha,mudo dheerna dalka debadiisa ku maqnaa oo ku ka soo shaqeeyay shirkado caalamiya ah oo ay ka mid tahay shirkadda baabuurta soo saarta ee Ford, ayaa iftiimiy fursadaha kaabayaasha dhaqaale ee ka jira Somaliland iyo sida ay shacabku uga oomanyihiin ka faa’iidaysigooda.
Eng. Cabdi Jaamac Yuusuf waxa uu sheegay inay fursado maalgashi oo badani dalka ka jiraan, laakiin ay meesha ka maqantahay hoggaamiyo adag oo aragti fog leh, iskuna geeya khayraadka kala baahsan ee qof kastaa in yar kelidii meel ku haysto, “ Wadanka awoodo badan baa yaala, dadku wadadii bay dhisayaan, laydhkay hagaajimayaan, isgaadgsiintii, baabuurtii bay hagaajinayaan, markaa qofka yidhaahda ‘xirfadi ma taalo Somaliland’ waa beentii, fursado badan baa yaala, laakiin waxa maqan isu-geyntoodii oo qof waliba meel gooniya buu mashquul ku yahay, markaa waxay u baahanyihiin hoggaamiye adag oo aragti fog leh, isu keena oo ku kelifa inay wada shaqaystaan waxna soo wada saara.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Cabdi Jaamac oo waraysi gaara ku siiyay Hargeysa shebakadda Berberanews.com
Aqoonyahan, Cabdi Jaamac waxa uu sheegay dhismaha xirfadda iyo aqoonta reer Somaliland faa’iido u keeni doonto koboca wax-soo-saar iyo dhaqaale ee dalka, haddii dadka xirfadooda la dhiso, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaynu halkan ka soo saari karnaa dad xirfad leh oo adduunka markay tagaan markiiba shaqo wanaagsan ku helaayo, tusaale ahaan dalka Jordan sadex boqol oo kun oo qof baa debedda laga maqan, wadanka Masarna laba milyan baa kaga maqan, markaa sadexboqol ee Jordan intay wadankooda soo geliyaan baa ka badan labada milyan ee reer Masar, taana waxa keentay sadexda boqol ee Jordan waa dad xirfado sare bartay. Markaa Somaliland fursado badan baa yaala oo aynu adduunka intiisa kale ku quudin karo, waayo dadka reer Somaliland waxay leeyihiin karti dabiici ah.”
Eng. Cabdi oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko rajada ictiraaf-doonka ee mudada dheer Somaliland ka doonaysay caalamka iyo wakhtiga dheer eek u lumay, in bedelkeeda wadiiqo kale looga wareego karo, waxa uu yidhi, “Aqoonsigu wakhti badan iyo dedaal badan buu inaga qaaday, qof ku tusi kara warqad laynugu diidayna iyo mid laynugu ogolaan doona toona ma jiro, hadaan tusaale u soo qaato dawladdii Rayaale waxay odhan jirtay ‘Albaab kasta waanu garaacaynaa’ albaabada aad garaacaysana qaar inay xidhanyihiin baa laga yaabaa, qaarkoodna inaanay cidi ku jirin. Waxyaabo badan oo qaldan baa jira oo u baahan inaynu dib ugu noqono. Aqoonsigaynu u baahanay waa ka dadkeena, dalkeena iyo nafteena aynu inagu aqoonsano. Markay taasi jirto Ilaahay mooyee cid kale oo aynu u baahanay ma jirto, adduunkyadu danaysi bay noqotay, haddaan dan lagugu qabina cidina nin baryootamaysa ma haynayso, cidii ku aqoonsataana dhibaato saaran uun baad ku ahaan doontaa, cidina ma doonayso inay dhibaato qaadato. Laakiin markay ogyihiin dadka ku aqoonsada inaad wax ku soo kordhin karto way ku aqoonsanayaan.”
Eng. Cabdi Jaamac oo dhawaan Somaliland ka hirgeliyay College caalamiya oo uu ka aas-aasay dalka Ingiriiska, laguna magacaabo FFOP, kana shaqeeya horumarinta aqoonta shaqaalaha , islamarkaana bixisa shahaado caalamiya oo adduunka oo dhan laga aqoonsanyahay. Isagoo ka sheekaynaya taariikhdiisa waxbarasho, aas-aaskii FFOP iyo waxa ay bixiso waxa uu yidhi, “Markii dagaalladii sokeeye dhammaadeen ee aan ka abaxay dugsiga sare waxaan fursad u helay inaan tago wadanka UK, halkaasoo aan ku bartay ingineerin wershadaha ah, oo runtii dad badan oo qurbaha joogaa aanay nasiib u yeelan.
Markii aan jaamacaddii iigu horaysay dhammeeyay waxa gacanta igu hayay shirkadda Maraykanka baaburta sammeeya ee FORD, kaasoo shan sanadood oo maalgelin ah i siiyay. Markii aan kaa dhammaystayna waxaan uga sii wareegay inaan bilaabo jaamacad kale, halkaasoo aan ka sii wado waxbarashada wershadaha.
Waxaan shaqo ka helay kambani caana oo baabuurta sammeeya, anigoo ka gaadhay ilaa production manager (maamulaha qaybta wax-soo-saarka). Ka dib waxaan go’aansaday inaan shaqada ka tago, oo aan bilaabo shirkad la yidhaahdo FFOP, oo xaruntiisu tahay magaalada Manchester ee UK, halkaasoo aanu ku bixino tobabarada khaaska ah ee gaagaaban, dadkana shaqo ugu raadinno iyo dadka gacansiga doonaya inay sammaystaan, markaa firkikii aanu Manchester ku haynay, ayaannu halkan keenay.” Ayuu yidhi.
Waxaannu intaa raaciyay oo uu yidhi, “FFOP illaa bilowgiisa anigaa aas-aasay, waxaana ila shaqeeya dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah.
Waa magac ka duwan magacyada caadiga ah ee loo bixiyo, jaamacadaha, college-yada amma iskuulada. Macnahiisu waxa weeye focusing First on People, oo ah marka hore dadka eeg intaanad wax la qaban. Qofka markaad eegto waxaad ogaanaysaa wuxuu u baahanyahay , dadka qaar baa laga yaabaa inaanay waxbarasho u baahnayn laakiin siyaabo kale, oo noloshooda wax lagaga qaban karo u baahan, haddada xoog saartona waxa laga yaaba qofka noloshiisa inaad wax ka bedesho.”
Eng. Cabdi waxa uu ka hadlay shahaadada ay bixiso xaruntani, Waxaannu bixinaa tobabar caalamiya, qofkasta oo ka baxa FFOP shahaadadiisa kuma qorna FFOP, waxa ku qoran London Chamber of Commercy and industry, jaamacadaha adduunka iyo shirkadaha ugu waaweyn ayaa iscicmaala sida IMB, BMW.
Intii aanu jaamacad kale ku xidhnaan lahayn waxaanu toos ugu xidhanahay Jaamacad aan cidi ka sarayn.” Isagoo intaa raaciyay, “Borogaraamada aanu Somaliland ka bixinaa way ka duwanyihiin kuwa aanu Uk ka bixino, wadanka waxaanu keenay International Programmes. Borogaraamo caalamiya oo laga isticmaalo 120 wadan oo caalamka, waxaana la bilaabay sannadkii 1988kii waxa bilowdey shirkadda London GB Commerce of Industry, oo ah shirkadda adduunka ugu weyn baayay-mushtarka.
Markaa waxa la ogaaday in ganacsi kastaa shan shay u baahanyahay; shantaa shay oo kala ah, ICT oo dhinaca Teknoolajiga ah, dhinaca Marketing-ka, Business Admisitrattion, Accounting and Finance iyo English for Business oo ah luuqada ganacsiga.
Curiculum-ku UK buu ka yimi, imtixaanadu UK, bay ka yimaadaan, shahaadooyinkuna Uk bay ka yimaadeen, .qofku markuu Hargeyska ku barto, UK, Germany, Kenya amma Malaysia.”
Mar aanu wax ka weydiinay inuu sii wadi doono aqoontiisa inuu uga faa’iidaynayo dadka reer Somaliland waxa uu ku jawaabay, Haa, adduunka waxa ugu wanaagsan qofka is dira ee aanay dan amma gaajo haynin, magac doonayn. Ta sharafta, karaamada iyo magaca aad ku heli kartaana waa marka aad qabato wax cidkasta dani ugu jirto..”