Wasiirro iyo masuulliyiin xukuumadda ka tirsan oo Garoonka Berbera ku soo dhaweeyey Ciyaartoyga caanka ah ee MO Faarax

Berbera-(Berberanews)- Wasiiradda dhallinyaradda iyo ciyaaraya, duulista hawada, masuulliyiinta heer gobol iyo degmo ee Gobolka Saaxil iyo dhallinyaro badan, ayaa madaarka Berbera ku soo dhaweeyay ciyaartoyga hormoodka orodka ingiriiska u qaaday MO Farax.
 
Wasiiradda iyo masuulliyiinta goobta ka hadashay, ayaa ammaanay ciyaartoyga reer Somaliland oo ay sheegeen inuu sumcad iyo karaamo u soo hooyay dalka, ka dib markii uu la soo baxay calanka Somaliland guushii uu ka soo hooyay tartan uu sannadkii hore ku guulaystay dalka Ingiriiska.
 
MO Farax oo u ciyaara dalka Ingiriiska, waxa uu hore u jebiyay rikoodhkii orodyahankii Dave Moorcroft, waxaannu  noqdaynay cii gyaartoygii u horreeyey ee Ingriis oo ku orda wax ka hooseeya 13 minutes, waxaannu sitaa rikoodhka Yurub ee orodada 5000m, iyo 10,000m.
Mo Farax waxa safarkiisa ku weheliyay xaaskiisa oo u dhalatay dalka Ingiriiska, gabadh yar oo uu dhalay iyo fannaanka Sir Maxamuud Cumar, kuwaasoo waxyar ka dib u safray dhinaca caasimadda Hargeysa.
 
Kooxda Kubadda Cagta Saaxil oo uu horkacayo Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyaradad iyo Ciyaaraha Gobolka Saaxil Sfaaici, ayaa qayb weyn ka qaatay soo dhawaynta ciyaartoyga MO Faarax.
 



Berberanews.com
Email, info@berberanews.com