Hargeysa (Berberanews)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa daboolka ka qaaday in Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee xisbiga UCID uu kula kacay hadidaad iyo caga-juglayn, isaga oo xusay in aannu mar dambe u dulqaadan doonin oo ay jawaabo sharciga waafaqsan ka bixin doonaan haddii Eng. Faysal Cali-waraabe joojin waayo tallaabooyinka uu xeer-ilaalinta kula kacay.
Md. Xasan Axmed Aadan oo shalay Jamhuuriya wax ka weydiiyey waxa ka jira eedo xisbiga UCID u soo jeediyey oo la xidhiidha dacwad Faysal Cali-waraabe doonayey inuu ku soo oogo garabkii Aadan Mire Waqaf hoggaaminayey, arrintaasi oo masuuliyiin UCID ahi sheegeen inuu xeer-ilaaliyaha guud horjoogsaday.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlayey dacwad Faysal Cali-waraabe iyo xubno xisbiga UCID ka tirsani u ula yimaadeen iyo jawaabta uu ka bixiyey, waxa uu yidhi;
“Haddaan ka hadlo siday xaqiiqdu tahay aniga waxa ii yimi Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe iyo laba nin oo kaloo la socda, waxaanay ii sheegeen oo iga codsadeen inay wataan dacwad ay ku oogayaan garabkay ishayeen, taas oo uu sheegay Faysal Cali-waraabe inay lacag xisbigu lahaa oo uu u dhiibay ka lunsadeen, anna waxaan ku idhi arrintaasi waa inay ahaato mid uu soo oogay golaha dhexe xisbiga amma kii fulintu, waayo xisbigu Faysal oo keliya maaha, waliba waa inay soo saxeexaan, isla markaana la soo maro nidaam la isku hallayn karo.
Go’aanka cid xisbiga ka mid ah dacwadda lugu oogayo waxa iska leh guddida fulinta amma golaha dhexe, laakiin shaqsi-shaqsi ma aha oo makhaayad qofku iska leeyahay maaha, markaa waxaan ku idhi dacwadda yaa xaq u leh, ma laba qof oo wada socota iska leh, mise gole maamul oo hoggaanka ka soo baxay baa iska leh? Markaannu intaas iswaydaarsanay ayey hortayda haddidaad ka sameeyeen oo yidhaahdeen haddii wax laga qaban waayo inay tallaabo qaadi doonaan oo ay hortayda ka yidhaahdeen cid baannu xoog wax kaga qaadanaynaa.”
Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu sheegay in Eng. Faysal Cali-waraabe ugu hanjabay inuu xilka ka qaadi doono haddaannu oggolaan inuu dacwadooda aqbalo, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Wuxuu Eng. Faysal Cali-waraabe igu yidhi, ma iyagaad (garabka kale ee UCID) u doodaysaa? Xafiiskan joogi maysid oo xilka waan kaa qaadi. Dabadeed waxaan ku idhi, markaad madaxweyne noqoto ayaad xil iga qaadi kartaa, dabadeeto wuxuu igu soo celiyey miyaanad aqoonsanayn guddoomiyenimadayda? Waxaan ku idhi, waxaan kuu aqoonsanahay Guddoomiyaha UCID inta shirweynaha la gaadhayo, taasina adigay kuu taal oo awooddaas ma lihid baan ku idhi, waanan kuu qirayaa inaad tahay Guddoomiyaha UCID ee iminka, go’aankii maxakamadda ka soo baxayna wuxuu ahaa inaad guddoomiyaha tahay ilaa inta shirweynaha la gaadhayo ayaan ugu jawaabay.”
Mr. Xasan Axmed Aadan oo la weydiiyey waxa uu iskaga difaacayo eedaymaha hoggaanka UCID u xambaariyeen oo la xidhiidha in Xeer-ilaayaha Guud ka mid yahay masuuliyiinta dawladda ee xisbiga ku haystay, waxa uu ku jawaabay; “Aniga Faysal eedaymo noocaas oo kale ah hore wuu iigu soo jeediyey oo markii khilaafkoodu bilaabmay wuxuu yidhi, qol madow buu qoladii kale la galay. Hadduu Faysal yahay nin xusuustiisu shaqaynayso waxaan ku idhi, bilowgii khilaafkooda sharciga ku kala baxa, dabadeedna si weyn buu arrintaas uga horyimi, markaa haddaad mashxaradayso marka laguu xukumay, marka lagaa xukumana aad leedahay caddaalad-darraa igu dhacday oo aad eedaymo bilaabayso waa dhibaato. Haddii lagu yidhaa nidaamka soo mar xisbigu keligaa maaha oo fulin baa jirta oo gole dhexaa jira. Horta waa inay kala gartaan ma Faysal baa wax dacwaynaya, mise xisbigii UCID ayaa wax dacweynaya? Haddii xisbigu wax dacwaynayo waxay leeyihiin nidaam uu soo maro, waayo hadday lacagtani jirto xisbi ahaan bay u isticmaaleen, laakiinse may ahayn niman uu dukaan u dhiibtay Faysal, markaa xisbigan uu Faysal shandada ku sito anigu maan garan.”
Ugu dambayn, Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu ku hanjabay in ay tallaabo qaadi doonaan haddii Eng. Faysal Cali-waraabe hanjabadahaas oo kale ula yimaad.
“In badan ayaannu u dulqaadannay oo aniga ima odhan karo waxaasaan kugu samayn. Waa cago-juglayn oo waxaas ka aqbali mayno, haddii (Faysal Cali-waraabe) uu tallaabooyinka noocaas oo kale ah joojin waayana waxaannu ka bixin doonaa jawaabo sharciga waafaqsan oo iyagii baa hanjayaba oo leh suuqaannu kaga qaadan doonaa, taasina waa ilbaxnimo xumo iyo wax laga soo gudbay, sharcigana cidna gacanta kuma sidato, cid cid qasab wax lagaga qaadaana ma jirto, markaa waxaan leeyahay markaad dacwoonaysaan waa inaad samaysataan qareen ood garataan cidda xaq u leh. Wixii xisbi ka soo baxa annagu waannu u hoggaansamaynaa, laakiin Faysal si shaqsi ah buu u yidhi anigaa u dhiibtay,” ayuu yidhi Mr. Xasan Axmed Aadan.
Sources, Jamhuuriya