Berbera-(Berberanews)- Ciidamada Booliska ee xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa gacanta ku dhigay sarkaal mihiim ah oo lagu eedaynayo inuu ka tirsan xarakada Al-shabaab ee lala xidhiidhiyo Ururweynaha Al-Qaida, kaas oo shalay subax laga qabtay Afaafka hore ee laga galo dekeda, isla markaana si deg deg ah xabsiga loogu taxaabay.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil C/raxmaan Maxamuud Ibraahim, ayaa maanta Saxaafada u sheegay inay gudaha Magaalada Berbera ku qabteen ninkaa oo la rumaysanyahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab. Waxaanu u mahad celiyay ciidanka Booliska ee ku guulaystay qabashadiisa.
Taliyaha qeybta Booliska Saaxil waxa uu uu ka gaabsaday inuu sheego magaca ninkaa la qabtay oo baadhis qoto dheer ay ku hayaan Ciidanka Boolisku. Waxaanu sheegay inay hor geynayaan maxkamadda gobolka Saaxil, isla markaana wuxuu shacbiga gobolka Saaxil ka dalbaday inay Booliska gacan ka siiyaan wixii ay u arkaan inay halis gelin karaan ammaanka gobolka iyo dalkaba.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews