Hargeys(Hargeysa-(Berberanews)- Safiirka waddanka Switzerland u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mr. Jacques Pitteloud, ayaa ku dhawaaqay in dawladdiisu inay dooran doonto sidii ay u aqoonsan lahayd Somaliland, islamarkaana ay taageersanyihiin xaqa dadku u leeyihiin inay aayahooda mustaqbal ka tashadaan.
Safiir Jacques Pitteloud, oo booqasho saddex maalmood qaadatay ku yimi Somaliland, ayaa ka hor intii aannu shalay dalka ka dhoofin shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Hargeysa, waxa uu sheegay in aan weli la gaadhin xilligii Swetzerland ay khasab ku noqon lahayd aqoonsiga Somaliland, balse waxa uu daboolka ka qaaday in dawladdiisu ku dedaali doonto, sidoo kalena ka shaqayn doonto sidii dhawaaqa Somaliland u gaadhi lahaa fagaarayaasha laga hago siyaasadaha caalamka.
Ambasaddor Jacques Pitteloud oo suxufi ka tirsan Berberanews weydiiyay su’aal ahayd, ‘waddamada reer galbeedku waxay taageereen bannaanbaxyadii ka dhacay Libiya, Masar, Tunis iyo dunida Carabta, laakiin Somaliland oo samaysay dimuqraadiyad aan inta badan Afrika ka jirin may taageerin,iyadoo had iyo jeer qaddiyadda Somaliland wadammada reer Galbeedku ku riixaan Midowga Africa, laakiin faro-gelintii NATO ee Libya aan ogolaansho loo weydiisan, maxay taasi ku dhacday?’
Waxa uu ku jawaabay; “Aad bay iigu adagtahay in aan ka hadlo waddamada reer galbeedka, maxaa yeelay annagu waxaannu nahay dal gaar ah oo aan xubin ka ahayn Midowga Yurub iyo NATO toona, markaa annagu kama mid nihin quwadaha waaweyn ee adduunyada, sidaa daraadeed magaca dalalka reer galbeedka kuma hadli karo ee waxaan ku hadli karaa uun magaca dalka Switzerland. Waxaannu annagu si xooggan mar walba ugu dhegganahay hannaanka lagu heli karo aqoonsi. Dhinac ahaan waxaannu aad u taageersanahay xaqa dadku u leeyihiin inay aayahooda mustaqbal ka tashadaan, arrintaasina waa waxyaabaha dawladda Switzerland u taagan tahay.
Dhinaca kale, waxaannu aad u ixtiraamaynaa shuruucda caalamka u yaal, waxana jira dhibaatooyin markasta soo noqnoqda. Tusaale ahaan; tii Koonfurta Suudaan oo kaloo la aqoonsaday, tii dalka Kosovo oo iyana duruufuhu khasbeen in la aqoonsado. Si dhakhso ah iyo si dheerba dawladda Switzerland waxay dooran doontaa sidii ay ugu dhawaaqi lahayd aqoonsiga Somaliland, si daacad ah haddaan u hadlana, mana hubo inuu yimi wkhtigii lagu khasbi lahaa aqoonsiga, laakiin waxaannu ognahay in aannu marnaba Somaliland u oggolaan doonin inay dunto, waanuna ka shaqayn doonaa sidii aannu u caawin lahayn Somaliland. Waxa kale oo aannu ka shaqayn doonaa in codka ama dhawaaqa dadka reer Somaliland laga maqlo fagaarayaasha lagu lafogurayo siyaasadaha caalamka, annagoo beesha caalamka kala xaajoon doona sidii codka reer Somaliland u gaadhi lahaa. Xaqiiqo ahaan aad baannu ula shaqaynaynaa Somaliland, waxaanuna isku dayi doonaa in aannu wax faa’iido leh u qabano.”
Waxa kaloo safiirku ballanqaaday in dawladdiisu taageero weyn ka geysan doonto mucaawanada iyo taageerada lagu horumarinayo dalka Somaliland, isla markaana xidhiidh aad u dhow oo wada-shaqayneed dawladdiisu la yeelan doonto dawladda Somaliland.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com