Jaamacadda Golis Berbera oo Qayb Cusub ka Hirgalinaysa Degmadda Sheekh

Sheekh-(Berberanews)- Kulan loogu gogal xaadhayey qayb cusub oo Jaamacada Golis Qaybteeda Berbera ka furanayso Degmada Sheekh ayaa Maanta lagu qabtay Hoolka Dawlada Hoose ee Degmada Sheekh.

kulankan  waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Jaamacada Golis Berbera prof, Naasir X. Cali Shire, Xildhibaanno ka tirsan Degmada Sheekh ,Ganacsato,Ardayda, iyo waalidiin, kulankankaasoo daba socday qorshe balaadhan oo Jaamacada Golis Berbera doonayso qayb cusub inay ka hirgaliso  Degmada Sheekh.

Maxamed Xuseen Ciise (Qamari) oo ah aqoonyahan u ololeeya Waxbarashada iyo sidii Sheekh ay u yeelan lahayd Jaamacad  ayaa aad ugu mahad naqay Xildhibaan Naasir X.Cali Shire iyo hirgalinta qaybta Cusub ee Sheekh, isla markaana si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay u leedahay Jaamacadani Bulshada Deegaanka iyo Taariikhdii dhinaca Waxbarashada ee degmadu lahayd.

Aqoonyahanku waxa uu balanqaaday inay si dhakhso ah u dhaqaajin doonaan  Jaamacadan Golis qaybteedan Sheekh waxaa kale oo uu xusay  in Xidhibaan, Naasir Xaaji Cali Shirre oo uu sheegay inuu kaalin weyn kaga jiro kor u qaadida aqoonta heeka Jaamacadeed ee Gobolka Saaxil  inay Taariikhdu xusi doonto.

Gudoomiyha Jaamacada Golis Berbera Xildhibaan Naasir X.Cali Shire oo isnaa halkaa ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ Marka hore aad ayaan idinku mahad naqayaa sida fiican ee aad ii soo dhawayseen,mar labaad waxaan u mahad naqayaa qamari oo aad kaalin wayn uga qaatay hirgalinta iyo aasaaska Jaamacadda.  

Waxaan  halkan idinku nimi unug aasaaska qaybta cusub ee ay Jaamacada Golis qaybteeda Berbera ka hirgalinayso Degmada Sheekh oo runtii ahayd hoygii aqoonta laakin ay ka jirto Jaamacad la’aani, runtii markii aanu aasaasaynay qaybta Berbera waxaa nagu kalifay , markii aanu aragnay baahida loo qabo  aqoon Jaamacadeed oo aan Gobolka ka jirin tii badduna xidhantay ayaanu horta bilownay aasaaskeeda Ilaahay mahadii waad ogtihiin halka ay maanta marayso, anagu runtii manihin faa’iido doon laakiin qorshayagu waxa uu ahaa hirgalinta iyo dhaqaajin Jaamacad uu Gobolku yeesho.”

Xildhibaan Naasir waxa uu ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee jaamacaddu soo martay, “Waxay soo martay marxalado kala duwan Jaamacada Gollis waxaan xasuustaa nin odaya oo markii aanu furaynay Jaamacada markii la diwaan galiyey igi yidhi ‘waar sidii tii hore ayey xidhmaysaa oo uu iska tegay dabadeed Maalin dhawayd ayuu ii yimi markuu arkay lodkiisii oo qalin jabin ku dhaw  markaasu igu yidhi Walaahi waxay ahayd in aan  berigii iska sii wato markaa waxaan idinka codsanayaa in dareenkiinu ahaado mid aad ka midho dhalisaan, Jaamacaddu  waxaay ka mid tahay afarta Jaamacadood ee (Permanent  Lesson) ama Sharciga Jaamacadnimo haysta, Dawladana waxay ku leedahay Miisaaniyad, Shahaadada Digriiga waxaanu ku soo koobnay Saddex Sano oo aan Fasax lahayn, waxaa lagu qaataa Koorsooyin badan sida Bussiness  iyo IT wada socda ama BBIT, law ama sharciga Dhakhtarnimada, Shiping and Port Mangement anaga oo Macalimiintana aanu qaar Gobolada kale nooga yimadaan qaarna ay Berbera joogan markaa waxaanu doonaynaa in la helo Macalimiin J.G ka soo baxa oo buuxiya kaalmaha macalimiinta noo imanaysa..”

Waxaannu intaa ku daray, “Gudoomiyaha Jaamacada Camuud prof, Saleebaan  waxaa iminka lagu naanaysaa Geesiga Awdal , ana waxaan doonayaa hadii Alle yidhaahdo in aan noqdo geesiga Saaxil, waxaan Shacabka Gobolka Saaxil ugu bushaaraynayaa in markii u horaysay aanu furayno Laybareeri dadka loogu talo galay oo marka uu qofku doono gali karo oo xataa Kutub Diiniya aanu dhigno Sanadkan dabayaaqadiisa Buugaagtiina way noo imanaysaa markaa waxaan idinka codsanayaa kulankeena sabtida in aad Kooraska  qofwaliba uu doonayo uu intaa  ka sii baraandago si aynu dhakhso fasaladii u furno una ogaano Koorsooyinka aad doonaysaan, waanaad ku mahadsantihiin sida fiican ee aad noogu soo jawaabteen” ayuu yidhi Xildhibaan Naasir X. Cali Shire.

Khadar Jaamac Xaashi

Berberanews.com, Sheekh