Hudisa-(Berberanews)- Roobab Dabaylo wata ayaa khasaare balaladhan gaadhsiiyey Tuulada Hudisa oo ka tirsa Deegaanka Sheekh iyo Deegaano u dhaw ka dib markii Roob Dabaylo xoogle wataa ka da’ay Shalay Galabtii.
Sida ay noo xaqiijiyeen Dadka Deegaankaasi Tuulada Hudisa ku dhawaad Tobananeeyo Guri oo isigu jira Daaro iyo Jiingado ayaa uu waxyeelo soo gaadhsiiyay waxaau ka qaaday Jiingadii isaga oo qaarna qaybo ka mida dumiyey.
Dhinaca kale deegaano ku dhaw dhaw Tuuladaas ayuu soo gaadhsiiyey Roobkaasi khasaare waxaanu xoolahii ka laayey dad reer miyi ah oo deegaankaas degan iyo Guryihii ay ku jireen oo buulaal ahaa.
Sida uu Berberanews u xaqiijiyey mid ka mida Dadka degan Tuulada Hudisa oo Magaciisa la yidhaahdo Bambaane waxaa uu yidhi “ roob ka da’ay Tuulada Shalay ayaa Guryo gaadhaya Tobaneeyo waxa uu ka qaaday Jiingadii xaga miyagana xoolo ayuu ku aaayuu yidhi Bambaane.
Dhinaca kale Maamulka Gobolka Saaxil iyo Haayada ka hortaga Masiibooyinka Dabiiciga ah ayaa deeq raashin ah manta gaadhsiiyey Deegaanada Roobabku wax yeeleeyen ee Hudisa Sida uu noo xaqiijiyey Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) .
In ka badan 250 qoys ayaa loo qaybiyey raashin kaas oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka iyo haayada ka hortaga Masiibooyinka dabiiciga ah, Badhasaabka oo arinkan ka hadlayaa waxaa uu yidhi (Maamulka Gobolka iyo Hayada ka masiibooyinka dabiiciga ah Maxamed Muuse Caawaale waxaanu Raashin u qaybinay Deeganka Hudisa oo shalay roobab waxyeelo u gaysteen) ayuu yidhi.
Khadar Jaamac Xaashi
Berberanews.com, Degmada Sheekh
Email, info@berberanews.com