Barnaamijka dadkaaga la hadal ee Telefiishanka Qaranka oo qarka u saaran fashil, shaqaalaha wasaaradda warfaafinta oo saaka lala baryay inay buuxiyaan kuraasta iyo doorka Qurbojooga.

Hargeysa-(Berberanews)- Barnaamijka dadkaaga la-hadal oo ka baxa telefiishanka dawaladda,laguna soo casuumo masuulliyiinta qaranka eek ala duwan, halkaasoo ay shacabku su’aalo badan ku weydiiyaan hadba masuulka loo yeedho,  ayaa haatan u muuqda mid qarka u saraan inuu fashilmo, ka dib markii saddexdii billood ee u danbaysay ay ka gaabisay wasaaradda warfaafintu oo aan la qaban.

Barnaamijkan oo qiime badan ugu fadhiya bulshada Somaliland oo nasiib u yeeshay inay kaga ciil baxaan wixii su’aalo ah amma fikir ah ee maskaxdooda ka dhex guuxaya, ayaa, haatan qarka u saaran inuu faadhilmo, ka dib markii saaka la waayay dad ka soo qaybgala xog-waran uu bixinayay Wasiirka Xannaanada xoolaha Somaliland Dr, Cabdi Aw Daahir.

Sida ay shebekadda berberanews u xaqiijiyeen shaqaale wasaaradda ka tirsan oo goobjoogayaal ahaa waxay noo xaqiijiyeen in Hawlwadeennada barnaamijka dadkaaga la hadal ay shaqaalaha wasaadda la baryayeen inay soo buuxiyaan kuraasta madhan, maadaama aan muddo dheer la qaban, islamarkaana shacabku ilaabeen.

Hawlwadeennada wasaaradda ka tirsani waxay intaa ku dareen in dad aad u tiro yar oo afartammeeye qof, oo qaarkood ka mid yihiin shaqaalaha wasaaraddu ka soo qaybgaleen barnaamijka mudada dheer aan qabsoomin ee dadkaaga la hadal, iyadoo ay intaa ku dareen in furitaanka barnaamijku muddo saacado ah dib uga dhacay xilligii loo asteeyay, ka dib markii la waayay dad mug leh oo ka soo qaygala.

Barnaamijka dadkaaga la-hadal waxa uu ka mid ahaa barnaamijyada looga daawashada iyo xiisaha badanyahay, ka hor intii aanu gaabisku ku iman, waxaanay dad badani fursad u heleen inay masuulliyiinya weydiiyaan waxkasta oo tabasho ah amma tallo ay u hayaan, balse waxa muuqata inuu gebi ahaanba istaagi doono barnaamijkani, haddii aan la joogtayn.

Wasiirka xannaanada xooluhu waxa uu saaka ka hadlay siyaasadda xukuumadda ee xoolaha nool iyo daryeelkoodaba, isagoo sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii loo casriyayn lahaa in siyaabo fara badan looga faa’iidaysrto xoolaha, loona daryeelo qaab casriya oo la jaanqaadaya caalamka, si xooluhu qiime u yeeshaan.

Wasiirka xannaanadu waxa uu xusay in sanadba sanadka ka danbeeya ay isa soo tarayaan tirada xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera, waxaannu sheegay in xoolihii ugu badnaa sanadkan ka dhoofeen Berbera, kuwaasoo gaadhaya in ka badan milyan iyo afar boqol oo neef, islamarkaana uu rajaynayo inay sanadkan dhoofaan saddex milyan oo neef.

Waxa xusid mudan in barnaamijkii maanta ee wasiirka xannaanada xoolaha ay nasiib u yeesheen qaar ka mid ah qurbojooga reer Somaliland inay si toosa ugaga qaybgalaan su’aalaha, maadaama uu Telefiishanka qaranku dhawaan gaadhay dalalka Yurub oo laga daawan karo.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ka mid ah qurbojooga ku nool magaalada Londdon, ayaa wasiirka weydiiyay waxa ka jira jid-gooyo Djibouti iyo Puntland u galeen xoolo ka iman jiray Killalka shannaad ee Itooboya iyo dalka Djibouti, waxa uu kaga jawaay wasiirku oo yidhi. “Runtii xoolo badan ooKillalka , Kenya iyo Somalia ka yimaada ayaa Berbera ka dhoofaa, innagu umaynu yeedhan ee dabcan awooda dekedeena iyo siyasadda ganacsigeena ayaa soo jiidatay, dekedda Boosaaso iyo Djibuoti tartan baa ka dhexeye,, laakiin dekeddeenu waa istaraataji.

Kilalka xidhiidh fiican baa naga dhexeeya, maamulkana waanu ka wada hadlay, xooluhuna si nabadgelyo ah bay labada xad uga soo gudbaan.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdi Aw Daahir oo ka jawaabayay su’aasha uu weydiiyay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ah qurbojoog ku nool London.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com