Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa magacaabay masuulliyiin cusub oo buuxin doona mansabyo ay banneeyeen xubno raacay garabka Aadan Maxamed Mirre Waqaf, ka dib markii khilaaf culus oo sababay heer maxkamaddeed uu soo kala dhexgalay xisbigaas.
War-saxaafeed lagu socodsiiyay taageerayaasha kala duwan ee xisbigaas, ayuu Eng. Faysal ku magacaabay xubno dhawr ah, islamarkaana uu ku sheegay inuu dib u habayn ku sammeeyey xisbiga.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; “Maanta oo ay taariikhta tahay 24/09/2011 waxaanu halkan ku magacaabaynaa xubnaha u kala qaabilsanana doona waaxyaha xisbiga ee ku xusan hoos iyadoo xisbig lagu sameeyey dib u habayn si loo dardar galiyo hawlahii xisbiga loona dhaqaajiyo hawl maalimeedkii ay xubanaha muhiimka ahi u hayeen xisbiga.
Sidaa daraadeed waxaan manta halkan ku magacawnay xubnahan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaanan illaahay uga rajaynaa in uu u fududeeyo xilkaa culsu ee ay umada iyo xisbigaba u qabteen.
Mohamed Xassan Khaire Afhayeenka Xisbiga UCID
Ambassador Cabdifatax siciid Ahmed Xoghayaha Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caamaiga ah ee Xisbiga UCID
Cabdale Maxamed Qardhab Xoghayaha Dhaqaalaha iyo Maaliyada Xisbiga UCID
Mohamoud Eid Ibraahim Xoghayah Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID
Cabdilahi saleban Warsame (Qadafi) Xoghayaha Xidhiidhka Europe Xisbiga UCID
Mohammed Jamac Koodbuur (shine) Xoghayaha Guud ee UK Xisbiga UCID
Eng Mohammed Yusuf Ismail G/xigeenka UK Xisbiga UCID
Hassan Abdi Elmi ( indho) Gudoomiyaha Dhalinyarada UK XisbigaUCID
Hassan Mohammed Samawi G/xigeenka dhalinyarada UK Xisbiga UCID.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com