Qaar ka mid ah Aqoonyahanka iyo odayaasha Degmada Sheekh Oo ku baaqay in laysku soo dhaweeyo dhinacyadda shirarka Berbera iyo Dubur.

Sheekh-(Berberanews)- qaar kamid ah aqoonyahanka iyo odayaasha Degmada Sheekh, ayaa maanta ka soo saaray baaq iyo tallo-bixin ay ku kala socodsiinayaan dhinacyada shirarka kala duwan iclaamiyay inay ku kala qabsanayaan Berbera iyo deegaanka Dubur.


Dadkan oo baaqa ka soo saaray Degmada Sheekh waxay dhinacyada ugu baaqeen in la mideeyo labad shire ee bishan gudaheeda ku kala qabsioomaya Berbera 27/September iyo Dubur, 29/September.

 

Baaqaasoo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Shirka Beesha Cise Muse ee sal-dhigi waayey hadanu nahay Odayaasha iyo Waxgaradka beesha ee Degaanka Sheikh waxanu u aragnaa in Shirka lagu darayo arin aan meesha ku jirin, Ciuse Muse wuxu leeyahay laba hoggaan oo uu u doortay in ay hogamiyaan danaha reerka. Labadaas oo kala ah:

1-     Hogaanka dhaqanka(Salaadiin iyoCuqaal) oo loo igmaday dhaqan ahaan in uu hogamiyo Reerka, kalsoonina u haysta in uu metelo magaca reerka kuna hadli karo afka reerka.

2-     Hogaanka Siyasadda(Golayaasha la doortay sida Barlamaanka, Guurtida iyo Degaanka) oo iyana loo doortay in ay siyaasi ahaan hogamiyaan reerka haystana kalsoonida reerka.

Hadaba ciddii aan labadaa hogaan  ahayni  mandate uma haystaan in ay reerka hogaamiyan iyo in ay shir u qabtaan toona, hadaba shirkan saldhigi waayey waxa hogaaminayay in muddo ahba koox aan labada hogaan  midna ahayn oo iyagu is-magacabay.

Waxa iyana nasiib daro ah Cuqaashii reerka oo aan wadan salaadiintii toona in  ay ku baaqeen shir kale.

Hadaba labadaa shir ee isku lidiga ahi waa  ku ceeb magaca reerka waana kuwo ku beeraya kala shaki iyo kalsooni daro,taasna hadaan wax laga qaban waa mid baabi’in doonta awoodii iyo wada jirkii reerka, Waxaanaanu soo jeedinayna in la baadi doono shir loo dhanyahay, wana mid sahlan hadii la maro dariiqa saxa ah. Wasiirka reerkuna dadaal badan sameeyo anaga oo siinayna talooyinkan hoos ku qoran.

 

                                               Talo bixin

Wasiirka xukuumadda kaga jira beesha Ciise Muuse waxanu u soo jeedinayna  talooyinkan :

      1 – In uu joojiyo in muddo ah  xalna u raadiyo sidii loo  midayn  lahaa labada Shir ee midna lagu qabanayo Berbera – 27/09/11

            Midna lagu qabanayo Dubur – 29/09/2011

     2 – In uu isugu yeedho labada dhinac ee shirarka kala hogaminaya oo uu

           Dhexdhexaadiyo.

    3 – Haduu shirkaasi naqdo mid dhaqan in u gacanta u geliyo qabanqabada

          Shirka Hogaanka Dhaqanka oo isu dhan.

     4 – Haduu shirkaasi noqdo Mid siyasadeedna uu gacanta u geliyo  

           Qabanqabada shirka  Hogaanka siyasadda ee reerka ee u haysta

             Mandate-ka.

    5 – Waxgaradka kale ee reerku waa in ay ku taageeran wasiirka

           Qabsoomida shir loo dhanyahay, sidaasay ku jirta sharafta reerka iyo

            Horumarkuba.

 

 Magacyada    Odayaasha iyo waxgaradka Baaqan Soo Saaray

 

1- Eng: Cali Aar X. Maxamed Xirsi.

2 – Eng: Baashe Muhumed Musse(Camaacun)

3 – Aqoonyahan: Axmed Yassin Elmi(gunka ood)

4 – Aqoonyahan: Ahmed Musse Mohamed

5 – Aqoonyahan Omer X. Rabi Naaleeye

6 – Aqoonyahan Abdi Husein Dhegawel

7 – Qareen Jama Nuur Mohamed(jamaclaangadhe)

8 – Xil-dhiban. Xasan Cali maxamed

9 – Xil. Xasan Cali Saleebaan

10- Xil.  Bashe A/lahi Yassin

11 – Xil . Khader Ibrahim Mohamed

12 – Abdi Hasan Dawarre

13 – Cawil Diriye Bullale

14 – Ciid Jaamac Mire

15  – Xasan Carralle Cawed

16 – Mohamed Yusuf Diriye

17 – Ahmed X A/lahi Xarbi

18 – Ali Adan Macawis

19 – Hasan Mohamed Aw Hirsi

20 – Axmed Mohamed Caw

21 – Mohamud Isixaaq Ahmed

22 – Ahmed A/lahi Yassin

23 –Saleban Mohamed Farah

24 – Mohamed Abdi Mohamud

25 – A/Rashid Ali A/lahi

26  – Nur Ali Jama

27 – Caydid Mirre Jama

28 – Ibrahim Musse Mirre

29 – Ahmed A/lahi Yusuf

30 – Mohamed Ducalle Wacays

31 – Jama Musse  Husein.

 

 

Berberanews.com, Sheekh

Khadar Jaamac Xaashi