Muqdisho (Berberanews) Sept 24,2011 – Weftigii ka socday Somaliland ee deeqda u qaaday koongurta Somalia ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta dawlada TFG-da, waxana wararku sheegayaan in weftigaa si balaadhan loo soo dhaweeyey.
Soo dhawaynta weftigana deeqda waday ayaa waxa beryahanba si wayn looga abaabulayay magaalada Muqdisho, waxana madasha soo dhawaynta oo ahayd garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka muuqatay hab maamuus sare oo lagu soo dhaweeyey weftiga Somaliland.
Wasiiro, xildhibaano, mudanayaal ka socday baarlamaanka Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir iyo weliba dad aad u tiro badan ayaa madaarka Aadan Cadde kaga yimi weftigan oo uu hogaaminayay abwaan Hadraawi, ayna ka mid ahaayeen Sh. Maxamed Cali Geedi iyo Maxamed Shukri iyo weliba masuuliyiin kale oo ka socday Somaliland.
Weftigan ayaa siday deeq iskugu jirta raashin iyo alaab kale oo laga soo ururiyey dadweynaha reer Somaliland iyadoo weliba xukuumadda Somaliland-na qayb weyn ka qaadata, waxanu Afhayeenka weftigani ayaa saxaafadda u sheegay in shixnada ay Muqdisho geeyeen tahay saddex tan iyo badh isugu jirta raashin iyo agabyo kale.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna maayarka Magaaladda Muqdisho Md Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo soo dhaweynta ka dib halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Dareenka walaalaheenu muujiyeen aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, waanuna ku faraxsanahay imaanshiyahooda, waxaanuna mudnaanta siinaynaa waxtarkooda, tiradda waxa ay wadaan muhiim ah, laakiin waxa muhiim ah, ujeedadooda iyo dareenka ay muujiyeen, waxaanuna aad ugu faraxsanahay inaanu ku soo dhawayno Magaaladda Muqdisho, waxaanuna ku faraxsanahay inuu jiro Abwaankii weynaa ee Hadraawi, waxaanan qabaa inuu Hadraawi yahay hal-abuur ka weyn (Shake-isbiir).”
dhanka kale waxa halkaa ka hadlay afhayeenka guddidan deeqda qaaday Maxamed Shukri, waxaanu yidhi “Weftigayagani waxa uu ka kooban yahay afar xubnood oo kala ah xubin rugta ganacsiga Somaliland ah, abwaankii weynaa ee Soomaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Sheekh Maxamed Cali Geedi, ujeedadayaduna waxa weeyaan inaanu gudano anaga oo ku hadlayna magaca Somaliland, waajibaadkii nagaga aadanaa masiibadii ku habsatay walaalahayagii mandaqadan deganaa ee Islaamnida ahaa ee walaalnimada ahaa, iyadda oo halkaaba (Somaliland) ay abaartu ka jirto haddana halkan ayaa masiibadu ka dhacday.”
Waa markii ugu horaysay ee tan iyo 1960-kii uu wefti ku socda magaca Somaliland ka dego magaalada Muqdisho. Waxana si aada u kala fog dareenkii weftigii Somaliland ee xiligaas oo waday midayn Somaliweyn iyo kan maanta oo ku socday dareen Somaliland oo ka madaxbannaan koonfur.
Si kastaba ha ahaatee soo dhawayntan ballaadhan ee loo sameeyey weftiga Somaliland ayaa muujinaya in Koonfurta Somalia ay candhuufteeda dib uga liqday Somaliand oo in badan ay si adag u diidanayeen in Somaliland u madaxbanaanaato danaheeda isla markaana hesho aqoonsi caalami ah.
Berberanews.com