Caa’isha Qaddaafi oo fariin cod ah kaga hadashay xaalada Aabaheed iyo aragtida golaha ku-meelgaadhka ay ka aaminsan tahay

Dimishiq, (Berberanews.com/AFP):-Telefishanka sida wayn u taageera hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al Qadaafi ayaa laga baahiyay, fariin cusub oo cod ah oo ay soo dirtay gabadha uu dhalay Qadaafi ee Caa’isha Qadaafi, taas oo ay kaga hadashay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, xaalada Aabaheed, dagaalada ka socda Libya iyo golaha ku-meel gaadhka ee hogaanka talada dalka aabaheed kala wareegay.
 
Fariintan codka ah ee Caa’isha Qadaafi oo laga sii daayay telefishanka kaliya ee sida rasmiga ah u baahiya una taageera hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Qadaafi ee lagu magacaabo Al Rayi oo xaruntiisu tahay Caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq, waxa ay Caa’isha Qadaafi sheegtay in aabaheed wali hogaanka u hayo talada dalka Libya, kuna hawlan yahay sidii dalkaas looga xorayn lahaa waxa ay ugu yeedhay khaayimiinta dalka qabsaday.

Caa’isha Qadaafi oo intaan dagaalka iyo kacdoonka Libya bilaabmin ahaan jirtay wakiil sharafeed Qaramada midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka HIV/AIDS-ka ayaa ku tilmaantay golaha ku-meel gaadhka ee xukunka dalka Libya qabsaday, kuwo tuug ah oo dalkooda khiyaameeyay, qaar badan oo ka mid ahiina xubno ka ahaayeen ururka AlQaacida, kuwaas oo dalka baabiinaya.
 
Caa’isha Qadaafi ayaa fariinteedan codka ah oo afar daqiiqadood ahayd sidoo kale kaga hadashay Aabaheeed oo ay sheegtay in uu dalka ku sugan yahay, kana baxayn, dagaalna la gali doono kuwa khaayimiinta ah ilaa uu dalka ka xoraynayo oo laga saarayo, waxa kale oo ay xustay in walaalkeed Sayful Islaam kula jiro dagaalka iyo difaaca qaranka.
 
Hadalada iyo fariintan codka ah ee Caa’isha Qadaafi ayaa ku soo beegmay xili dagaal qadhaadhi ka socdo magaalada Sirta oo ah meesha uu Qadaafi dhalasho ahaan ka soo jeedo sida wayna looga taageersan yahay, hasa yeeshee imika hore ciidamada ku-meel gaadhka qaranka Libya hore ugu sii durkayaan, sidoo kale golaha ku meel gaadhka Qaranka ee Libya ayaa wax yar uun ka dib markii fariintan la sii daayay shaaca ka qaaday in dawlad ku meel gaadh ah oo dadka reer Libya u dhan yahay lagu gudo jiro, dhismaheeda, wakhti aan todobaad ka badnayna lagu soo saari doono liska xubnaha ka midka noqonaya.
 Caa’isha Qadaafi iyo aabaheed ayaa fariimo cod ah oo ay soo direen ku sheegay in dib isku abaabul iyo kacaan dib loogu xoraynayo dalka Libya ay ku talaabsan doonaan, waxa kale oo mar walba ay ku doodaan In shacbigu garab taagan yahay oo dalka laga xorayn doono waxa  ay ugu yeedhaan khaayimiinta, laakiin waxa cad in xaaladoodu marba marka ka danbaysa ka sii darayso.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com Reporter
Daralla066@gmail.com