Hargeysa,– (Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dib u magacaabay saddex xil oo ka mid ah dhismaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga Kulmiye.
War-saxaafadeed uu Guddoomiyuhu ku magacaabay xilalkaasi oo nuqul ka mid ahi na soo gaadha, ayaa u qornaa sidan:-
“Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 23/09/2011, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isaga oo la tashaday hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo waxgaradka Xisbiga Kulmiye wuxuu u magacaabay Xilal
- Khadar Cabdi Xuseen Guddoomiyaha Gobolka M/jeex ee Xisbiga Kulmiye.
- Xusni Maxamed Warsame G/Garabka Haweenka Gobolka M/jeex ee Xisbiga Kulmiye
- Sidiiq Cawil Axmed Xoghayaha Gobolka M/jeex ee Xisbiga Kulmiye
Masuuliyiintan waxaa loo rajaynayaa in Eebbe u fududeeyo Xilkan.” Ayaa warsaxaafadeedka Guddoomiyaha lagu soo gebogebeeyay.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com