Berbera-(Berberanews)- Mashruucii loogu magacdaray ‘maalinta nadaafadda qaranka’ oo shan iyo afartankii cashaba hal maalin uu Madaxweyne Silaanyo jideeyay in laysugu soo baxo dalka oo dhan, ayaa dib uga bilaabmay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax), Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera Cabdi Jaamac Faduul, iyo Xoghayaha dawladda hoose Cali Maxamed Cilmi, ayaa saaka xilli hore kala qaybgagalay dadweynaha reer Berbera fulinta ololaha nadaafadda qaranka oo muddooyinkii u danbeeyay aan ka qabsoomin badi gobollada Somaliland oo dhan.
Masuulliyiinta dekedda Berbera, ciidanka asluubta, wakaallada biyaha, ayaa iyaguna hormood u ahaa boqollaal ka mid ah shaqaalaha xarumahaas oo ka qaybgalay fulinta ololaha nadaafadeed ee ka qabsoomay Berbera.
Gudoomiye-ku-xigeenka Golaha deegaanka Cabdi Jaamac Faduul , ayaa bulshada reer Berbera ka codsaday ilaalinta khashinta iyo nadaafadda magaalada, waxaannu yidhi “Walaalayaal maanta waa maalintii ololaha nadaafada ee Madaxweynuhu inoo asteeyay, anaga dawlada hoose ahaana waa shaqadayadii nadaafada gobolku markaa waxan idinku dardaarayaa bulshooy in aad naga caawisaan sidii aad khashinka meesha loogu tala galay u geyn laheydeen.”
Xoghaya Dawlada hoose ee Berbera Cali Maxamed Cilmi, ayaa sheegay in dawlad hoose ahaan iyaga xil gaari ka saaranyihiin nafaadaffa magaalada, “Horta anaga dawlada hoose ahaan qashin gurku waa shaqadayada koowaad, markaa waxa nagu waajiba in aanu dadweynaha reer berbera ku wacyigalino sidii ay isaga fogeyn lahaayeen qashinka meelaha loogu talagalayna ugeyn lahaayeen.”
Berberanews.com
Berberam, Somaliland
Email, info@berberanews.com