Wasiir Duur oo Qurbo-jooga Somaliland ku canaantay inay danno gaar ahaaneed ka door bideen kaalintii dalku uga baahnaa

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa Qurbo-jooga Somaliland ku canaantay doorka ay ka qaataan arimaha hurumarinta dalka oo uu ku tilmaamay mid aan badnayn.

.
Wasiirka daakhiligu waxa uu tilmaamay in inta badan Qurbo-jooga Somaliland ay doorkooda ugu mihiimsan siiyaan arimaha gaarka ah oo uu tibaaxay inay si wayn ugu suntan yihiin.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in wixii xukuumaddan Madaxwayne Siilaanyo la soo gaadhsiiyaa ay gacan aamin ah galayaan, isaga oo taas Tusaale uga soo qaatay sidii loo maamulay Aduunkii loo ururiyey abaarihii ka dhacay Somaliland iyo kuwa hada ka taagan Somalia.

Waxaanu wasiirku sidaas ku sheegay mar uu xalay ka hadlayey dood Cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo-jooga Somaliland ku leeyihiin horumarka dalka, taas oo ay soo qaban qaabisay Wakaaladda Qurbjooga Somaliland (Somaliland Diaspora Agency), taas oo ka qabsoontay Hoolka Jaamacadda Hargeysa. Ugu horayna Duur oo ka hadlaya doorka qurbo jooga Somaliland, waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa anigu inaan ku eekaado doorka Qurbo Jooga, anigoo waliba jecel inaan culayska Saaro qodobka la xusay ee Nabadgalyadda.

Marka laga hadlayo Qurbo jooga reer Somaliland waxaan la dafiri Karin in kaalin mugleh oo qiimaheeda leh ay dalka kaga jiraan, marka laga eego dhaqaalaha iyo ku tiirsanaanta ay lagu tiirsan yahay Qurbo Jooga. Run ahaantii waa tiir dhaqaale oo dalka dhaqaale aad u badan soo galiya, marka la isku geeyo dhaqaalaha dalkana waa tiirka ugu wayn uguna baaxada wayn, Qurbo joogu waxay dalka soo galiyaan lacag adag, sidaa awgeed Shilings-ka Somaliland waa lacagta adag ee uu ku tiirsan yahay, markaa waa tiirka ugu balaadhan ee dhaqaale waananu ugu hambalyeynaynaa, waa tiir mihiim ah oo aynu wali-na ku tiirsanahay laakiin hoos u socda, marka la eego wakhtiyadii hore”.

Wasiirka Daakhiligu isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Danta guud iyo siday qurbo jooga uga qayb qaataan, waxa uu yidhi “Doorka Qurbo jooga ee danta guud, nabadii waa dan guud, caafimaadkii waa dan guud, biyihii waa dan guud, halkan aynu caawa iskugu nimidna waa dan guud. Danta guud waa intii dawladdu lahayd, dawladd-nimadii markaa waa dan guud, markaa waxaynu is waydiinaynaa Qurbo-joogu doorka ay ku leeyihiin danta guud, taasaana qiimaha yeelanaysa, wixii gaar ah ee qofku gurigiisa taro ama naftiisa taro ama uu hooyadii taro waa waajibkii qofka saarnaa kii ugu hooseeyey, ta ummadda qiimaheedu ku soo baxdaa waa danta guud, Raganimadu waa inta qofka gurigiisa dhaafsiisan markaa qurbo joogeenii waxaynu ku qiimaynaynaa danta guud maxay galiyeen Qurbo joogeenii. Aniga aragtidayda kooban waxaan leeyahay qurbo joogu intay danta guud galiyeen ma buurna, mana badna baaxadii lagu xusi lahaana ma laha, runtii way kooban tahay, Tacabka Qurbo joogu waxa uu u badan yahay hanti gaar ah iyo waxaan midaysnayn, guryaha iyo ehelka iyo danta gaarka ah ma dhaafsiisana.

Laakiin anigu su’aal baan is waydiiyey oo ah waa maxay maqnaanshaha ay danta guud uga maqan yihiin Qurbo joogu, dantii guud adeegayaal bay leedahay, adeegayaashii danta guud waayo? Waa xukuumadda. Hadii adeegaha danta guud aanu sumcad wanaagsanayn laguna tuhmo amaanada inaanu dhawrayn dee dantii guud lagu aamini maayo oo loo diri maayo hadii sumcadaydu muujinayso inaanan lahayn sumcadii in dan guud la igu aamino oo aanan amaano dhawr ahayn waxba ii dhiibayn maysid, markaa qurbo jooga hadii ay xukuumaddu sifo wanaagsan yeelan waydo Qurbo joogu ku dhiiran maayo danta guud, kaasina waa tiir aan odhan karo waa tiir cad oo loo baahan yahay. Ilaayo maanta ismaynaan waydiin Qurbo jooga sidii loo hanan lahaa, waxaase hada muuqda ayaan odhan karaa Ifafaale Qurbo jooga dhiirigalin kara waana wakhtigaynu dhisi lahayn Danta guud waxaas oo dhamina waa fursado aniga ii muuqda oo aad ila eegi doontaan.

Runtii ugu horayn aas aaska hay’adda qurbo jooga Somaliland oo kulankan qabatay waa wax soo dhiiri galin kara qurbo jooga dalkan, waana tan aynu wax walba is waydiinayno oo taladaa wax walba ka horaysa, waxaanan odhan karaa hay’addani waa mid soo dhiiri galinaysa Qurbo joogeena”.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com