Dhalinyarada Reer Saaxil oo Bayaan dhinacyo badan taabanaya ka soo saaray Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Berbera

Berbera(Berberanews)- Dhalinyarad Gobolka Saaxil, gaar ahaan deegaanka Berbera, ayaa maanta shir ku qabsaday magaalada Berbera, isla markaana waxay soo saareen Bayaan ay kaga hadleen arrimo door ah oo ay ka mid yihiin Shirka Beesha Ciise Muuse ku qabsanayso Dubur, ammaanka gobolka, dhinacyada horumarka iyo qodobbo kale.

Bayaanka ay dhalinyaradu ka akhriyeen Shirkoodaasi waxa uu u dhignaa sidan:- “Ku: Dhamaan Warbaahinta Maadaxa Banana Ee Jamhuuriyada Soomaaliland Sida Aan Kawada Dheregsanahay Waxa 29ka September 2011 Ka Furmaya Deegaanka Dubur Ee Degmada Sheikh Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse Ee Loogu Magacdaray “Dan Iyo Duco’ Sida Ka Muuqata Magaca Shirka Waxa Lagaga Hadlayaa Danta Guud Ee Beesha, Sida Aan Lawada Socono Shirkani Waxa Uu Kadambeeyay Ka Dib Markii Ay Shir Isugu Yimaadeen Badhtamihii Bishii Juun Hotel Kaah Ee Magaalada Hargaysa Inta Badan Hormuudka Beesha Ciise Muuse Sida Salaadiinta,Cuqaasha,Xildhibaanada ,Aqoonyahanka ,Culima Awdiinka,Gancsatada Iyo Dhamaan Qaybha Kala Duwan Ee Beesha Dood Iyo Filaaqayn Kadib waxa Laysku Raacay Shirka Dubur Ee Danaha Beesha Iyo Aayeeheda Mustaqbalka In Laqabto.

Hadaba Shirkani Waa Shir Kusaabsan Horumarka Beesha Sida Horumarinata Deegaanada Ay Degto Beeshu Gaar Ahaan Gobolka Saaxil Oo Isagu Ah Gobol Dib Udhac Badani Ku Dhacay 20 Kii Sano Ee Aynu Wadanka Dib Ugu Soo Noqonay Gobolkan Oo Gobolada Kale Kaga Hooseeya Dhamaan Arimaha Bulshada Xag Caafimaad, Mid Waxbarashaba.

Nasiib-darro may Ahayn Inuu Dib U Dhaca Intaa Leegi Jiro Waayo Gobolka Waxa Kasoo Baxa 80% Dhaqaalaha Wadanka Hadana Cid Kastaa Waa Ka Markhaati Diifta Manta Berbera Ka Muuqata Iskadaa 80% Lama Odhankaro Waa Meel Ay Kasoo Baxdo 5% Soomaalidu Waxay Ku Maahmaahdaa’” Caana Daata Dabadood Laqabay “Maanta Bulshadani Waxay U Istaagtay Inay Dantooda Iyo Aayoohooda Ka Tashadaan Waayo Nin Waliba Isagaa Baahidiisa Ka War Haya Waa Xaq Dastuuriya Inaynu Aayeheena Ka Tashano Waa Mid Kamida Mabaadida Aasaasiga Ah Ee Hanaanka Dimuqraadiga Ah Ee Wadankeenu Qaatay Waa Tiirarka Xoriyatalqawlka Inay Umadu Soo Bandhigto Baahideeda Waayo Nimaan Hadlin Habrtii Waxba Ma Siiso,Runtiina Waa Shir Ka Fog Waxa Ay Dadka Qaarkii Ka Turjumayaan Ee Brobagaanada Ah Waa Shirv Barbartaagaan Jiritaanka Qaranimada S/Land Dawladnimada ,Kaladambaynta,Iyo Amaanka Guud Ee Qaranka Iyo Ka Gobolkaba.

Haddaba, Shirkan Balaadhan Ee Ay Manta Oo Ay Taariikhdu Tahay 26/09/011 Isugu Yimaadeen Dhalinyarada Beelweynta Ciise Muuse Ee Kunool Gobolka Saaxil Gaar Ahaan Degmada Berbera Hotel Al Xayaad Ayaa Waxay Kaga Hadleen Qodobadan Hoos Kuxusan 1.Doorka Dhalinyarada Ee Shirka Dan Iyo Duco Ee Beelaha Ciise Muuse 2.Taageerida Qabsoomida Shirka 3.Mawqifka Dhalinyarada Ee Dadka Shirka Kasoo Horjeeda.

Ugudambayntii Waxa Ay Dhalinyarada Gobolka Saaxil”Ciise Muuse’isku Raaceen:-

1. Inay Doorkooda Dhalinyaranimo Ka Qaataan Shirka Dhawaan Uga Furmaya Beelaha Ciise Muuse Deegaanka Dubur Ee Degmada Sheikh Shirkaas Oo Kusaabsan Horumarka Beesha Iyo Deegaanada Ay Degaan Ayna Kamidaysanyihiin Dhamaan Beelweynta Ciise Muuse In Shirkaasi Qabsoomo .

Haadaba Dhalinyao Ahaan Waxaanu Si Buuxa U Cadaynaynaa Anagoo Isku Duuban Inaanu Shirkaas Lagarbtaaganahay Taageero Hil Iyo Hooba Leh Shakikumajiro In Dhalinyaradu Tahay Cududa Ama Mashiinka Dhaqaajiya Horumar Ay Doonayso Inay Bulsho Gaadho, Waa Xoog Loo Adeegsan Karo Dhinaca Saxda Iyo Khaladkaba Tusaale Ahaan Marka Saxda Loo Adeegsado Waa Astaanta Horumarka Umadi Qaaday Dariiqa Toosan Hadii Taa Badalkeeda Loo Adeegsadana Waa Tilmaanta Jidka Burburka Iyo Dibu Socodka ,Ilaahbaa Mahad Leh Dhalinyarada Reer Saaxil Waxay Maanta Ka Badbaadeen In Loo Adeegsado Wadada Qaladan Waxayna Raaceen Jidka Saxda Ee Ah Inay Doorkooda Ka Qaataan Shirka Horumarka Danta beeshooda Iyo Deegaanda Ay Ku Noolyihiin Sida Inay Fikirkooda Ku Darsadaan Ajandayaasha Shirka,Inay Caqligoodaa Iyo Cilmigoodaba Ku Biiriyaan Habsami Usocodka Shirka.

2. Waxay Dhalinyarada Beesha Saaxil”Ciise Muuse’ Si Buuxda U Cadaynayaan Inay Si Aan Kala Hadh Lahayn U Taageersanyihiin Qabsoomida Shirka Dubur Ee Dhacaya 29/09/011 Ee Loogu Magacdaray Dan Iyo Duco Waxaanu Raacsanahay Goaanka Gudida Qabanqaabada Shirka Iyo Goaankii Salaadiinta Beesha Iyo Goaankii Ogolaanshaha Dawlada Ee Uu Hormuudka U Ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr.Sacad Cali Shire Oo Ah Halyay Ku qormidoona Bogaga Hore Taariikhda Umada Reer Saaxil.

Waxaanu Kasoo Horjeedna Kooxda Samadiidka Ah Ee Sheegatay Inay Shirk Ku Qabsanyso 27ka Bishan Magaalada Berbera Waxaanu Uga Digaynaa Kooxdaas Samadiidka Ah Waxa Ay Wadaan Oo Ay Ka Dayaan Khalkhalka Magaalaada Iyo Amaandarada.”

Khadar Jaamac Xaashi

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.