Hargeysa (Berberanews)- Dhallinyaro reer Somaliland ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxbarasho u doontay dalka Uganda, ayaa xabsiga lagu guro, kadib markii loo qabsaday masuuliyad-darro uu sameeyey Madaarka magaalada Berbera oo ardaydaasi ka dhoofeen.
Dhallinyaradan oo tiradoodu dhan tahay 7 xubnood oo kala ah afar hablood iyo saddex wiil oo gabadh ka soo jeeda Xamar mooyee dhammaan intooda kale u dhasheen Somaliland, ayaa ku xidhan xarunta socdaalka ee madaarka diyaaradaha Kampala ee caasimadda Uganda, kadib markii loo qabsaday sifaha dalkaasi ku galeen oo kala dhiman, iyadoo baasaboorradooda laga waayey meesha ay ka yimaaddeen.
Dhallinyaradan oo Jimcihii toddobaadkan ka dhoofay madaarka Berbera ee Somaliland, waxa la sheegay in aan baasabooradooda loogu dhufan calaamada bixitaanka (exit), iyagoo sidaasi ku raacay diyaaradda kadibna markiay ka dageen garoonka Kampala xabsiga lagu guray, ilaa haddana ku jiraan. Inkastoo la sheegay in ardaydani oggolaansho ka haystaan jaamacadda ay u socdeen inay waxbarasho u tagaan, haddana arrintaasi waxba umay tarin.
Dhinaca kale, waalidiinta dhallinyaradan dhalay oo ayaa la sheegay inay xidhiidh la sameeyeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Sheekh Shariif si uu wax uga qabto dhibaatada ku dhacday carruurtoodii oo ku xidhan xarunta socdaalka ee madaarka Kampala, balse waxa safiirku u sheegay in aannu arrintaasi waxba ka qaban Karin, maadaama dhallinyaradu ka yimaadeen Somaliland oo ah maamul gooni ah.
Haseyeeshee, ardayda reer Somaliland ee wax ka barta Jaamacadaha Uganda ayaa ka codsaday safiirka inuu si bini’aadanimo uga hawlgalo xadhigga dhallinyarada ka dhooftay Berbera ee Kampala ku xidhan, waxana la sheegay inuu aqbalay dalabkaasi ilaa shalayna uu ku hawlanaa siduu arrintaa wax uga qaban lahaa.
Wargeyska Jamhuuriya oo xidhiidho kala duwan la sameeyey dhallinyaradaas, ayaa waxa u suurtogashay in aannu helno magacyada afarta gabdhood ee la socday saddexda wiil, waxaanay kala yihiin:
Saamiya Sulub Ismaaciil
Hodan Maxamed Subeer
Lama garanayo go’aanka dawladda Uganda ka
Sahra Ismaaciil Nuux
Faadumo Xaaji Maxamed.
qaadan doonto ardayda reer Somaliland ee xidhan inay cafiyi doonto iyo inay dib u soo mastaafurin doonto.