Hargeysa(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa kulan dardaaran ah kula sii yeelatay Xafiiskeeda Ardaydii ku guulaysatay Deeqda Waxbarasho ee dawladda Turkigu ugu Deeqday sannadkan Ardayda Dugsiyada Somaliland.
Wasiirku waxay kula dardaarantay guud ahaan Ardayda Deeqda waxbarsho ku guulaystay inay aqoonta ay soo baranayaan ay dalkooda iyo dadkoodaba uga faa’iideeyaan. “Wadanka aad tagaysaan ee Turkigu waa wadan Islaam ah oo aynu aad iskugu dhow nahay xaga dhaqanka iyo caadooyinka nolasha, markaa waxaan filayaa inaydaan wax dhibaato ah kala kulmi doonin oo aad si fudud u fahmi doontaan dalkaasi.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadu waxay sheegtay in deeqda waxbarasho ee Turkigu aanay ku koobnayn ardaydan la qaadayo balse ay raacsiisan tahay dhisitaanka dugsiyada lagu barto waxbarashada gacanta . Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland waxay la kulantay ardayda wax ka barata dugsiga Sare ee Gaandi oo cabasho ka muujiyay tayada waxbarasho ee dugsigaas iyo agabka shaybaadhka oo uu dugsiga sare ee Gaandi ka aradan yahay isla markaana ay meesha ka baxday kormeerkii waxbarashada.
“Waan dareensan nahay cabashada aad iigu tiimaadeen runtii awoodayda ahna Wasiir ahaan waxaan u hawl geli doonaa wax ka qabashada tabashadiina, wasaarad ahaana waxaanu ku dedaalaynaa sidii loo heli lahaa qalabka shaybaadhka ee dugsigu u baahan yahay,”ayay tilmaantay Wasiirku.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.