Berbera –(Berberanews)-Qaar ka mida Sulaadiinta, Cuqaasha iyo Odayaashaal ka soo jeeda Gobolka Saaxil ayaa Maant Shir balaadhani uga furmay Hutel Maansoor ee Magaalada Berbera, shirkaas oo furitaankiisii laga sheegay inuu yahay Shir Aayo ka tashi, waxaa kasoo qayb galay Odayaasha Dhaqanka iyo Masuuliyiin aad utiro badan oo ka kala socotay Beelaha Deegaanka Gobolka Saaxil.
Shirkan oo socon doona mudo sadex maalmood ah ayaa waxay ujeedadiisa guud ama ajandahiisa ka mida sida Goobtaas laga sheegay Sidii loo horumarin lahaa Gobolka Saaxil ,loogana shaqayn lahaa horumarka Beesha,
Cuqaal tiro badan oo halkaasi hadalo kala duwan kasoo jeediyey ayaa waxaa ka dhex muuqday shirkaasi Gudoomiye CabdilaahiMaxamed Cabdiraxmaan(Awal Bari), Suladaan Maxamed Maxmuud Xandule (Indhacase) Ganacsato iyo Cuqaal kale oo aad u tira badan, iyaga oo dhamaantood carabka ku adkeeyay in ujeedada ugu way nee shirkani tahay sidii laysugu keeni lahaa dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil oo loogu samayn lahaa mawqif gaar ah sidii caadada ahaydna lagu soo qaadi doona xeerarka Beelaha Ciise Muuse ay kula dhaqmi ,lahayeen Beelaha walalahooda.
Waxaana ka mid ahaa Dadka halkaasi ka hadalay Suldaan Indhacase waxaanuu halkaasi ka sheegay inay ku midaysan yihiin shirkaan ayna ku dhanyihiin Salaadiinta iyo Odaysaaaha Beelaha Ciise Muuse, islamarkaana ay taageersan yihiin wax kastoo lagu horumarinayo Gobolka Saaxil taasina ay mudan tahay in la taageero waxa kastoo u dana Umuda reer Somaliland gaar ahaana Beelaha Gobolka Saaxil.
Waxaana hadaladiisi kamid ahaa Suldaanka( hadaanu nahay odayaasha beelaha ciise muuse waxaanu manta Berbera ku qabanaynaa shir dhaqameed ka turjumaya mawqifka reerka iyo sidii loogu hogaamin lahaa wadada saxa ah taasin ay tahay talaabada kaliya ee wax lagu qabasan karo loona baahan yahay in la dhiirigeliyo, hadaba waxaanu usoo jeedinaynaa dhamaan shacbiga beelaha Ciise muuse inay ka qayb qaatan sidii ay wax uwada qabsan lahaayeen ,waana ta kaliya ee lagu gaadhi karo hilamalada la higsanayo, ayuu yidhi Suldaan Indhacase.
Waxa kale isna halkaa ka hadlay C/laahi Maxamed C/raxmaan waxaa hadalkiisii ka mid ahaa ( Manta si nabad galyo leh inuugu furmaaya shirkan odayaasha dhaqan ka ee beelaha Ciise Muuse kaasi oo ah mid lagaga hadalyo sidii Gobolka Saaxil uu wax ula qaybsan lahaa Gobolada kale dadkiisuna unoqon lahayeeen kuwa meel uwada ,jeeda mana ah shir Siyaasadeed ee waa shir dhaqan , waxaa kale oo ka mid ah ajandaha shirkan sidii loo soo saari lahaa xeerar iyo shuruuc dhaxal gal ah oo beeshu ku dhaqanto waligeed mana ah shir inta laga qabto halkaasi lagu ilaabi doona ee waa mid socon doona Maalmaha soo socda,waligeed ayey dhici jirtay shir ay iskugu yimaadan odayaasha reeruhu) ayuu yidhi C/laahi Awal bari.
Furitaankii shirkan Maanta oo ay ka hadleen Salaadiin iyo Cuqaal badani ayaa lagu wadaa inuu soo gabagaboobo dhamaadka Bishan aynu ku jirno, Shirkan oo mudooyinkii u danbeeyay si wayn loo hadal hayey Guud ahaan Gobolka Saaxil, ayaa noqonaya Shirkii u horeeyay ee noociisa ah ee Cuqaal iyo Salaadin u dhashay Gobolku ay isugu yimaadaan Shir noocan oo kale ah.
Waxaa Maalmahii u danbeeyay ay Warbaahintu qaar wax ka qoraysay Wararka iyo Maqaalo ku saabsan Shirar iska soo horjeeda oo midi yahay kan Maanta ka dhacay Maansoor Huteel Berbera, halka mid kalena lagu wado in 29ka Bishan aynu ku jirno uu ka dhaco Tuulada Dubur ee Degmada Sheekh,iyada oo dad badan oo ku dhaqan Gobolka Saaxil iyo meelo kaleba ay aad u hadal hayeen isla markaana falanqaynayaan Shirarka wakhtigan qabashadoodu ka curatay Gobolka, Sababaha keenay iyo waxa ka soo bixi doona marka la soo gabagabeeyo, iyo waliba waxa laga filayo in ay ku soo kordhin doonaan Horumarka Gobolka Gaar ahaan Berbera.
Khaddar Jamac Xaashi
Berberanews, Berbera