Telefishan ku yaal dalka Suuriya oo baahiyay Sayful Islaam Qadaafi oo ciidamadiisa dagaal galinaya

Berbera- (Berberanews.com/Reuters)- Telefishan xaruntiisu tahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya ayaa maanta baahiyay, muuqaalo lagu sheegay wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Libya Sayful Islaam Al-Qadaafi oo diyaarinaya ciidamo uu wato oo isku abaabulaya sidii ay dagaal adag ula gali lahaayeen xoogaga golaha ku-meel gaadhka Libya.

Sida muuqaaladani muujinayeen Sayful Islaam Al- Qadaafi oo dhex taagnaa raxan ciidamo ah, isla markaana daal ka muuqdo, muqaal ahaana is badal oo xaragadii badnayd ee lagu yaqaanay aan lahayn, waxa uu ku labisnaa dirayska ciidamada ee tuutaha loo yaqaano, waxaanu ku celcelinayay erayo dardaaran iyo dhiiri galin isugu jira.

Sida muuqaaladan oo uu baahiyay telefishanka Al-Rayi muujinayeen waxa uu Sayful Islaam Al-Qadaafi, ku dhawaaqayay, erayo ay ka mid ahaayeen, “Dhulkani waa dhulkiini, waa dhulkii awoow-yaashiin, ha is dhiibina, gacantana ha u galinina khaayimiinta, difaaca oo ku dhinta ilaa dhibicda u danbaysa.” Waxa ay kuwaasi ka mid ahaayeen hadaladii Sayful Islaam Al-Qadaafi.

Muuqaalada laga baahiyay wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Libya Sayful Islaam Al-Qadaafi waxa ay noqonayaan muuqaaladii ugu horeeyay ee laga arko ninkaas, tan iyo markii xoogaga golaha ku-meel gaadhka dalka Libya 23-kii bishii August 2011-ka ka qabsadeen magaalada Tripoli, oo laga bilaabo xiligaas isaga iyo aabihiiba dibad wareeg noqdeen, kuna jiraan firxad marba meel lagaga saarayo.

Faysal Maxamed Xasan

Reporter Berberanews.com

Email: daralla066@gmail.com