New York, 28 September 2011 (Berberanews.com/W/Wararka)- Faransiiska ayaa mar kale ku celiyay digniin uu u jeedinayo dalka Iiraan, waxaana caga-juglaynta cusub ee Faransiiska ku jira in talaabo milatari laga qaadi doono Dehran, haddii aanay ka waantoobin horumarinta ay ku samaynayso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Hanjabaada Faransiiska ayaa wakhtigan ka soo baxday wakiilka joogtada ah ee Qaramada midoobay u fadhiya dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Gerard Araud, kaas oo si cad uga hor akhriyay caga juglaynta dalkiisa golaha guud ee Qaramada midoobay.
Masuulkan ayaa si cad u sheegay in aanu jirin dunida guudkeeda cid ogolaanaysa ama iska sugaysa inta Iiraan hubka Nukliyeerka hantiyayso, isagoo xusay in taasi haddii ay jirto ay doqoniimo tahay. Sidoo kale ninkan ayaa sheegay in Iiraan oo hubka Nukliyeerka yeelataa la mid tahay dunida oo in la halaago loo ogolaaday.
Safiirka Faransiiska ee Qaramada midoobay waxa uu intaa ku daray in duqayn iyo weerar milatari lagama maarmaan yahay haddii lagu guul daraysto wada hadalada u dhexeeya hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan hubka nukliyeerka iyo dalka Iiraan. Hasa yeeshee safiirkani muu carabaabin jihada dagaalkaas ama weerarkaasi ka imanayo.
Dalalka reer galbeedka iyo Israel ayaa si wayn u buun buuninayay barnaamijka hubka nukliyeerka ee dalka Iiraan, waxaanay in badan ku hanjabeen in weerar ay ku qaadi doonaan goobaha ay ku yaalaan warshadaha nukliyeerka ee dalka Iiraan, hasa yeeshee waxa jira warbixino sheegaya in aanay taasi afka iyo hanjabaad dhaafsanayn.
Madaxweynaha Iiraan Maxamuud Axmedii Najaad ayaa markii ugu horaysay todobaadkan soo bandhigay qorshe uu ku sheegay in dalkiisu kaga hadhayo doonistiisa hubka Nukliyeerka haddii reer galbeedku ka dhabeeyaan balan qaadyadooda, miiska wada hadaladana la soo fadhiistaan shuruudo caqli gal ah. Sidoo kale waxa jira warar wakaaladaha wararku baahiyeen oo sheegaya in ciidamada cirka ee Israel hadh iyo habeen ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen qaab lagu weeraro warshadaha nukliyeerka ee Iiraan, laakiin waxa arrintaa baajiyay walaac Tel-Aviv ka qabto cawaaqibka ka dhalan kara weerar noocaas oo kale ah oo ay dad badani u arkaan is biimayn, marka loo eego gantaalaha difaaca diyaaradaha ee Iiraan leedahay iyo gantaalo Israel ay ku duqayn karto oo ay haysato.
Faysal Maxamed Xasan
Daralla066@gmail.com