Hargeysa -(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa eedaymihii ugu cuslaa intii uu xilka hayey dusha ka saaray Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga UDUB.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xalay saqdii dhexe qabtay shir jaraa’id oo aanay goob-joog ka ahayn warbaahinta madaxabannaani, waxa uu si kulul weeraray Guddoomiyaha UCID oo uu ku eedeeyey inuu ahaa basaasi jiray dhallinyaradii UFO. Waxa kale oo uu eedaymo u jeediyey wasiirradii Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee xukuumadda hore Cali Warancadde iyo Siciid Sulub.
Ugu horren Md. Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay kaalmadii Somaliland ay u dirtay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee wadanka Soomaaliya “Marka u horraysa dalka Somaliland waa dal muslim ah waa dal caalamka ka mid ah oo dhibaatooyinka iyo abaaraha ka dhacay dalka Soomaaliya ee caalamku u gurmaday inagoo og in abaartu ina saamaysay, haddana waxa waajib ah oo xil inaga saaran yahay in dadka muslimka ah dadka Soomaaliyeed ee walaalaheen ah ee dhibaatadu soo gaadhay inaynu u gurmano oo aynu wax ka tarno waajib, xil iyo masuuliyad ina saaran buu ahaa. Ta aynu yeelay ee aynu caalamka kala mid ahayn ee aynu ILAAHAY-na ka baryayno inuu abaal iyo ajar inaga siiyo, inagana magac iyo sharafi inoogu jirto. Waxa ay ahayd mid aynu ku faanayno, dadweynaheenuna uu ku mahadsan yahay intii gacan ka geysatay, intii qaaday iyo intii ka hawl gashayba,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka jawaabay hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ku sheegay in Somaliland dib ugu soo noqoto midnimadii Soomaaliya, waxaannu yidhi “Waxaannu leenahay ninka shariif la yidhaahdana walaalahayaga reer Koonfureed (Soomaaliyana) waxaanu leenahay walaalayaal haddii aanu soo gurmanay oo nabadgelyo u soo gurmanay oo dadkayaga u soo gurmanay, maaha inaanu ka noqonay madaxbannaanidayadii iyo gooni isu taagayagii oo aanu nahay qaran xor ah oo u soo halgamay qaranimadooda maantana aannu halkii taagan nahay sidaasna aanu ku wadayno illaa aanu aqoonsi iyo ictiraaf ka helo adduunyadda, waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland yaan la idin bah dilin, yaan been la idiin sheegin ee aynu gacmaha is qabsano aan wada jirno oo xoriyadeenii iyo ictiraafkeenii sidii aynu u wada dooni jirnay gudo iyo dibadba aan u wadno.”
“Turkigu waxa uu ina siiyay deeqaha waxbarasho oo ardaydeenii aynu dhoofinay oo aynu u dirnay si ay wax u soo bartaan, waxaanay ku dhoofeen baasaboor Somaliland ah. Meesha laga qaadayo iyo jidka laga qaadayaa waa wax aan ahayn wax aanaan si gooniya u eegayn.”
Axmed Siilaanyo waxa uu eedaymo culus u jeediyey masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka, waxaannu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrimaha xisbiyada mucaaridka ah ee UDUB iyo UCID, Faysal Cali-waraabe gaar ahaan hadalada beryahan ka soo yeedhayay ee ka soo burqanayay iyadoo uu caado u leeyahay badiba marka uu dhibaatooyin dhex galo ee dhex dabaasho ee uu masuuliyadiisa iyo xilkiisa ka soo bixi waayo iyadoo taariikhdiisa oo dhan la ogaa oo la ogaa wixii uu UFO ku sameeyay berigii la ogaa ee sida uu wax u basaasi jiray la ogaa ayuu haddana maalin walba aflagaado iyo cayda ummadda uu la soo taagan yahay wax la qaadan karo ma aha. Taariikhda Faysaloow waxaad ka heshay ummadda taageerooyinkii aad ka heshay ee aad codka kaga heshay ee aad ku wada dhacday ee ummaddu ku diiday ee sanka kaa qabsatay ee aad qabyaalad ku hadashay ee Hargeysa anigaa leh aad tidhi oo ummaddu kugu diiday oo uf ku tidhi waad ogayd.taariikhda halka aad ka gashayna waa la ogaa ninkii lahaa koonfur baan tagayaa adiga ayuu ahaa. Maalin walba halkaasi ayaad ka hadlaysaa oo aad intaasi aflagaado iyo xumaan wadaa taasina wax lagaa qaadanayo ma aha wax lagaa aqbalayana ma aha.”
Waxaannu intaa raaciyey, “Waxaan leeyahay Cali Waran Cadde, Ina Sulub iyo qoladan UDUB ee iyaguna aflagaadada maalin walba la taagan waxa weeye walaalayaal idinka doorashadii ayaanu idinka adkaanay ummadda muddo badan ayaad horjoogteen, ummaddu way iska kiin garatay oo iska kiin aragtay waxaad tihiin iyo waxaad qabtaanba. Sidaasi ayaanu waliba asxaan idiin samaynay runta marka la doonayo oo aanu idin saamaxnay oo idin ilaalinay oo aanu is nidhi yaan dalka Somaliland isku xidhnaantiisa iyo walaalnimadiisa iyo wada jirkiisa oo aanu musuqmaasuqaad samayseen iyo boobka aad hantida ummadda aanu idinku saamaxnay dadka waxaad ku akhriyaysaan wax ay idinka dhagaysanayaan ma jirto. Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay shacbiga Somaliland-noow ha dhegaysanina.”
Mar uu ka hadlayey Madaxweyne Siilaanyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mahiga oo dhawaan eedaymo loo jeediyey, waxaannu yidhi, “Mahiga ayaa la inagu diray waad aragteen Mahiga waxa laga soo qoray. Mahiga aflagaadada loo geysanayo waad maqlayseen. waa nin jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u shaqeeya, waana nin xil gaar ah leh. Shirarka uu ka hadlay wax Somaliland ku lid ah muu odhan. Been iyo inamo isku sawiray oo dadkii ka markhaati kacay la ogaa oo haddii imika aad eegto oo aad gasho website-yada iyo wixii ay ku hadleen ee la caayayo oo la leeyahay reer Somaliland buu u shaqeeyaa.
Markaa waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland yaan been, xasad iyo hinaase yaan lagu hagin oo yaan been loo sheegin oo aan jidkiina la idinka luminin,”ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo.