Shir-dhaqameedka Beesha Gobolka Saaxil ee Berbera oo Maalintiisii Labaad lagu Doortay Shirguddoon
Hargeysa (Berberanews)- Shir-dhaqameed ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beesha gobolka Saaxil (Ciise Muuse) oo shalay galay maalintiisii labaad, ayaa lagu doortay guddi shirguddoomin doonta muddada uu socdo.
Shirkan oo ka socda huteelka Maansoor ee magaalada Berbera, kaas oo ammaankiisa la adkeeyey waxa shalay ka xaadiray ergo aad uga badan intii ka qaybgashay maalintii furitaanka, iyadoo dadweyne isugu jira salaadiin, aqoonyahan, dumar iyo dhallinyaro isugu tageen, waxa lagu doortay shan xubnood oo guddoomin doona shirka muddada uu socdo, kuwaas oo uu guddoomiye u yahay oday Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan (Awal-bari).
Hadallo xubno salaadiin iyo cuqaal ahi ka jeediyeen halkaasi waxay ku sheegeen in aannu shirkoodu ahayn mid siyaasadeed ama cid gaar ah ku jihaysan, balse uu yahay mid dhaqan iyo horumarineed oo ku wajahan dadka iyo degaankooda.
Waxa kale oo lagaga dooday qodobada ajandaha ee lagu falanqayn doono muddada uu shirku socdo, iyadoo fikrado iyo aragtiyo la soo jeediyey si weyn looga dooday, waxaanna ra’yi soo-jeedintaasi ku qodontay laba qodob oo kala ah dhaqanka iyo horumarinta gobolka.
Qodobka dhaqanka ee shirka lagaga hadlayo waxa la sheegay inuu ku salaysnaan doono dib-u-eegis lagu samayn doono xeerar-dhaqameedka beeshu adeegsato iyo weliba kuwa kala dhexeeya beelaha kale ee ay wada degan.
Shirkan ayaa la filayaa inuu socon doono muddo afar maalmood ah, gebogabadiisna laga soo saari doono go’aan ka kooban qodobada lagu falanqayn doono.