Dubur-(Berberanews)- Salaadiin, cuqaal, madaxdhaqameed, wasirro, xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka, siyaasiyiin, culimmo iyo dhallinyaro tiro badan iyo boqollaal qof oo ka kala yimi qaar ka mid ah gobollada Somaliland, ayaa isugu yimi deegaanka Dubur ee degmada Sheekh oo uu haatan ka furmay shirweyne beesha Saaxil (Ciise Muuse) hore ugu dhawaaqeen oo in muddo ah la sugayay.
Sheekh Cabdullaahi Berberaawi oo ka mid ah cullimada Somaliland, oo furitaanka shirka ka hadlay, ayaa ka soo qaybgalaasha shirka kula dardaarmay toobad keen iyo dembi dhaaf in Ilaahay la weydiiysto, waxaannu sheegay dib-u-dhaca gobolka Saaxil ay sabab u tahay cadho Ilaahay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Beeeshii deegaannadeena horumarkeedu ma fiicna in la yidhaahdaa laga yaabaa, dib u dhaca waxa sabab u noqda Ilaahay oo la caasiyo, cidda ilaahay duleeyay aadamaha oo dhan haday isugu yimaadaan ma cisayn karaan.
Berbera waa Meelaha ugu liita, waa meelihii lagu sinaysan jiray ee macsiyadda lagu sammayn jiray, Ilaahay aynu u toobad keeno haddii aynu doonayno horumar inaynu gaadhno.” Ayuu yidhi Sheekh Berberaawi.
Sheekhu waxa uu sheegay in diinta Islaamku banaysay iskaashiga wanaaga iyo horumarka, lagana fogaado in laysku kaashado xumaanta, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Iskaashiga wanaagu waa shay ka mid ah Diinta Islaamka, oo qofku Ilaahay ugu dhawaado, ilaahay wuxuu ina faray inaynu diinta iyo horumarka isku kaashano ee aynaan isku kaashan wax Ilaahay innoogu cadhoodo. Ha noqdo shir caafimaad, waxbarasho iyo mid lagu kaalmeeyo dadka liita.”
Waxaan rajaynayaa go’aanada shirkani inaanay noqon qaar adduunyo ku sallaysan ee
Go’aanada shirka Ciise Muuse halagu daro waxa laga yeelayo ninka Ciise Muuse ee diinta iyo Ilaahay caaya.
Maayarka Degmada Sheekh Ibraahin Cabdillaahi Cabsiiye “Jawiga nabadgelyada uu ku bilaabmay ee shirka waad wada aragtaan, nabadgelyadu waa taas aynu ku wada fadhiisanay, idinkana waxaannu idin faraynaa inaad nabadgelyada nala ilaalisaan.
Waa Shirkii labaad ee halkan lagu qabto marka laga yimaado shirkii Towfiiq oo taariikhiya, sheikh, waa magaalo nabadgelyo, waxbarasho, iyo dhaqan.
Waxaan jeclahay inaan halkan ku soo dhaweeyo Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi.”
Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi, oo si rasmiya shirka u furay ayaa isaga hadalladiisa waxa ka mid ahaa, “Beesha Ciise Muuse, madaxdhaqameedka iyo sallaadiinta waxaan ku sallaamayaa salaanta Guud ee Islaamka, waxaan idiinka mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee aad iigu soo dhawayseen halkan, maadaama dhulkani yahay dhulkii barakaysnaa ee sallaandiinta waaweyn ee Subeer Awal lagu bokhray, waa goob aynu Sheekh Cismaan Nuur ku xasuusano, halgankii dib u xoraynta, dib u dhiska qaranka ee Beeshu shirka ay 20 sanno ee Somaliland jirtay u haleeli weyday ay maanta qabsanayso. Danta Ciise Muuse waa damta Somaliland oo dhan.”
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin
“Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu shirkani ku dhammaado tawfiiq, iyo dib u dhaca gobolka Saaxil. Ardaayada beesha waxa looga fadhiyaa inad si weyn uga doodaan qodobada idin hiryaala oo aad ka soo saartaan danta beesha Saaxil, qaranimadda
Shirweynahan oo dacaayado badan laga sammeeyay, lkn laga gubday, waxan xukuumadda Somaliland iyo beelaha kale u sheegaynaa inaanu ahayn mid lagu duminayo qaranimada Somaliland ee shacabku isku raaceen 1991-kii, ee uu yahay mid lagu taageerayo jiriraanka qaranka.”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre
“Waxaan halkan ka cadaynayaa in dawladad aan halkan ka joogo dawladdu inay si rasmiya u carqaladayso shirkan, anigu waxaan ku metelayaa halkan Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo.
Waxaan sheegayaa shirku muxuu yahay? Shirka magaciisu waa dan iyo duco. Dantu way badantahay danta aynu halkan isugu nimi waa mid horumarineed ee bulshadam nolosha deegaanka, midnimada, iskaashiga, wax-wadaqabsiga iyo danta deegaanka iyo qaranbka.
DUCO, in lays cafiyo, laysa saamaxo, laguna Alle baruo.
Shirkani affar maaha; shir colaadeed maaha, shir siyaasadeed maaha, shir ganacsi maaha.
Waxaan u arka inay ka soo baxaan lix qodob.
- isbarasgo 2, baraarujin. 3 qorshe hawleed arrimahaas wax lagaga qabto. 4, inuu noqdo shir turxaan bixineed. 5. shir laysku abaabulo oo ay ka soo baxcaan guddi fulisa wixii ka soo baxay fulintiisa. 6. inuu noqdo shir aqoon korodhsi.
Waxaan jecelahay sannad amma laba ka dib inaynu helo midho-dhalka qodobo shirkan laysku waafqay, taraiikhda shirkani waa inay noqoto mid laga dheehan karo waxa halkan layskula qaato.
Waxaan ku talin lahaa in dhallinyarada laga qaybgeliyo talada reerka iyo dhaqangelinta go’aanada shirkan ka soo bixi doona. Waxaan rajaynayaa inuu shirkani noqdo mid magic iyo ma hadho fiican inoo soo jiida.”
Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh
Ilaahay shirkeena ha ka yeelo mid khayr qaba, Ilaahay inagama yeelo tafaraaruq.
Shirkeeni yaanu noqon buur irbad dhashay ee ka noqdo buur buuro dhashay.
Waxaynu ka hadlaynaa danteena, waxaynu ka hadlaynaa horumarkeena.”
Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi, ayaa goobta shirka shahaado sharaf ku guddoonsiiyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr.Sacad Cali Shirre.
Sidoo kale, waxa iyaguna shirka ka hadlay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsamme (Xasan Gadhweyne).
Shirkadda isgaadhsiinta TELESOM, ayaa addeega internetka si mutadawaca uga suurtagelisay goobta shirku ka socod.
Berberanews.com
Dubur