Boqorka Sucuudiga oo is hortaagay Xukun Karbaash ah oo Maxkamaddi ku riday haweenay gaadhi kaxaysay

Riyaad, 30 September 2011 (Berberanews.com/AFP):- Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo aad ugu dhow dhow boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa cadaynaya in Boqorka dalkaas Boqor Cabdalla Bin Cabdi Casiis Aalla Sucuud uu is hortaagay xukun dhawaan maxakamaddi ku riday haweenay u dhalatay dalkaas oo iska dhego tirtay xayiraada haweenka ee wadista gaadiidka.
Mid ka mid ah haweenka u dhaxay amiirada dalkaas ayaa shabakadaha xidhiidhka bulshada ku baahisay sawirka qoraal boqorka Sucuudigu ku amrayo maxkamaddaas in xukunka haweenaydaa ee Karbaashka 20-ka Jeedal ah ee ay ku xukuntay la laalo oo gabi ahaanba la tirtiro. Markii warkani soo baxay ayaa kooxaha xuquuqda aadamaha u dooda ee dalkaasi si wayn u soo dhaweeyeen, kuna tilmaameen go’aan geesinimo leh.
Sadex maalmood ka hor ayaa Maxkamadd ku taala magaalada ugu wayn dalka Sucuudiga ee Jeddah ay ku xukuntay karbaash jeedal ah Haweenaydan boqorku diiday in lagu fuliya xukunkaas, sida warbaahintu sheegtay haweenaydaas ayaa lagu soo eedeeyay inay si sharci daro ah u kaxaysatay gaadhi, taas oo mamnuuc ka ah dumarka dalkaasi inay gaadiidka kaxaysan karaan.
Maxkamadda ayaa haweenaydan ku xukuntay labaatan jeedal in laga jaro. Haweenaydan oo magaceeda lagu soo gaabiyay Shiima ayaa sugaysay fulinta xukunkaas, hasa yeeshee markii xukunkani soo baxay ayaa waxa si kulul u canbaareeyay kooxaha xuquuqda aadamaha u dooda ee dalkaas, sidoo kale culimada diinta qaar ka mid ah ayaa ku tilmaamay xukun aan caddaalad ku dhisnayn oo xad gudub ku ah haweenaydaas waxaanay xukuumadda Sucuudiga ugu baaqeen inay deg deg u soo fara galiso oo xukunkaas joojiso in aanu fulin.
Wadista gaadiidka ee haweenka ayaa mamnuuc ka ah dalka Sucuudiga waxaana jiray in boqortooyada Sucuudigu wakhtiyadii u danbeeyay is dhex waday cadaadis iyo taxadir ku saabsan xayiraadaas. Sidoo kale go’aankan maxkamadda ayaa ku soo beegmaya xili boqorka dalkaasi uu ku dhawaaqay in haweenka dalkaasi ka qayb qaadan karaan doorashooyinka oo waxna dooran karaan, lana dooran karo oo golaha Shuurada qayb ka noqon karaan, go’aankaas oo fur furnaan cusub oo dalkaas ku soo korodhay loo arkayay ayaa go’aankan maxkamaddu dhabar jab ku noqonayaa.
Inkastoo aanu wali xukunkaasi fulin haddana waxa markiiba soo baxay walaac laga muujiyay go’aankaa Maxkamaddu ku riday haweenaydan. Wakhtiyadii u danbaysay waxa dalka Sucuudiga ka socday talaabooyin ay haween badani iskaga dhego marayaan mamnuucista wadista gaadiidka, waxaana la arkay tiro badan oo dumar ah oo suuqyada si xoriyadi ka muuqato u dhex kaxaystay gaadiid kuwaas oo qaarkood diyaarsadeen kamarado iyo dad taageersan oo haddii la qabto si deg deg ah ugu baahiya shabakadaha internetka.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com