Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xisbiga UCID oo ku saabsan in xukuummadu hagar-daamaynayso shirka Beesha Saaxil

Berbera-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax.), ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xisbiga Caddaallada iyo Daryeelka UCID oo war-saxaafadeed ka soo yeedhay ku cambaareeyay xukuumadda Somaliland inay farogelinta ka deyso shirka beesha Saaxil (Ciise Muuse)
 
Badhasaabka Gobolka Saaxil oo saaka ka qaybgalay gebogebada shir-dhaqammeed shan casho uga socday Cuqaal, sallaadiin iyo dhallinyaro hudheelka Maansoor oo lagu qabtay barxadda ee xeebta Batalaale, kana soo qaybgaleen ku dhawaad kun qof, waxa uu sheegay inaanu hadal uga bannanayn xisbiga UCID iyo dad uu ku sheegay inay ka soo horjeedaan danta Gobolka ka hadalka arrimaha beelaha Ciise Muuse.
 
Halkan ka dhegayso Hadalka Badhasaabka oo dhammaystiran
[audio:http://www.berberanews.com/wp-content/uploads/2011/10/Badhasaabka11.mp3|titles=Badhasaabka1]