Hargeysa-(Berberanews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa saaka subaxnimadii hore safar jarmaade ah oo aan hore loo shaacin ugu kalahay deegaanka gobolka Baligubadle ee Koonfurta Hargeysa.
Ma jiro war rasmiya oo ku saabsan safarka Madaxweyne Silaanyo ee deegaanka Balligubadle, haseyeeshee ilo-wareedyo madaxbannaan, ayaa tibaaxay in safarka madaxweynuhu salka ku hayo deminta dhaqdhaqaaqyo shir beesha deegaankaasi damacsantahay inay qabato, inkastoo aanay jirin cid xaqiijisay. balse waxa uu Madaxweynuhu dhagaxdhigay taalo weyn ooMadaxweynuhu sheegay inay xusuus u noqoto mujaahidiintii naftooda sadqeeyay xorayntii dalka, waxaanay ILAAHAY uga baryay dhammaan mujaahidiintii u shiiday qaranimada Somaliland inuu u naxariisto.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaa Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baligubadle, waxa uu dhagax dhigay dhismaha taallo weyn oo lagu maamuusayo xaruntii Ururka SNM ee magaalada Bali-gubadle.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Bali-gubadle oo uu sheegay inay xusuus gaar ah ku leeyihiin waxaanu tafaasiil ka bixiyay doorkii ay halgankii dib u xoraynta kaga jirtay magaaladaa iyo dadkeeduba, isagoo sheegay inay taalladan uga dan leeyihiin inay xusuus u noqoto mujaahidiintii naftooda sadqeeyay xorayntii dalka, wuxuuna ILAAHAY uga baryay dhammaan mujaahidiintii u shiiday qaranimada Somaliland inuu naxariisto janno ka waraabiyo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay balanqaadyadii deegaankaa ee xiligii ololaha doorashada, isagoo sheegay inuu fulin doono balan-qaadkii uu sameeyay xiligii lagu jiray doorashadii sanadkii hore ka dhacday dalka,oo ay ugu muhiimsanayd wado laami ah oo isku xidhi doonta Hargeysa iyo Sallaxley, balse wuxuu ummadda reer Somaliland ka dalbaday inay samir u yeeshaan inta xukuumaddu ay fulinayso balanqaadkeedii.
Socdaalka madaxweynaha Somaliland waxa ku weheliyay Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Cadaallada Xuseen Axmed Caydiid, Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
Wefdiga Madaxweynuhu waxa kale oo ay galabta soo mareen Degmada Salaxley oo ka tirsan Baligubadle.
Deegaanka Bali gubadle waxay ka mid tahay goobaha taariikhda weyn ku leh halgankii dib u xoraynta dalka, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu hogaaminayay ururkii SNM saldhig u ahayd ururkaa, isla markaana deegaanka Baligubadle waxa uu ka mid yahay meelaha doorashadii madaxtooyada uu ka helay Madaxweyne Siilaanyo codadka ugu baddan.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com