Berbera-(Berberanews)- Shirweyne lagu lafa-gurayay Dhaqanka iyo Horumarinta Deegaanada Beesha Ciise Muuse oo muddo shan casho ah uga socday magaalada Berbera qaar ka mid ah Salaadiin, Cuqaal, waxgaradka iyo Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Saaxil, ayaa maanta gebogebadiisa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban shan qodob.
Munaasibad loo sammeeyay xidhitaanka shir-beeleedkan oo ka dhacay fagaaraha Beer ku taal xeebta Bataale, waxa lagu soo casuumay oo ka soo qaybgalay madaxda Gobolka Saaxil sida Badhasaabka, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, Xoghayaha dawladda Hoose, Xildhibaan Dable oo ka tirsan Golaha Wakiillada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta reer miyiga, sallaadiin iyo boqollaal dadweynaha Gobolka Saaxil ku dhaqan.
“1.Dhamaanba Beesha Ciise Muuse haday tahay Odayaal, Dhalinyaro, Siyaasiyiinba waxaa waajib ku ah inay ilaaliyaan Qaranimadda Isla markaana ay xil weyn iska saaraan nabadgelyada ixtiraamaana Shuruucda Dalka Somaliland u dhigan.
2- Hadaanu nahay Beesha Ciise Muuse Waxaanu balanqaadaynaa inaanu la shaqayn doono Maamul kasta oo dalku yeesho oo Si xalaal ah lagu soo doortay.
Xukuumadda maanta jirtana waxaanu u balanqaadaynaa inaanu si wanaagsan ula shaqayn doono
3-Waxay Beeshu go’aansaday wixii Tabasho ah ee ay qabto si walaaltinimo ah ugu soo Bandhigto Cida ay khusayso.
4-Beeshu waxay Dowladda ka codsanaysaa inay Ixtiraamto oo la shaqayso Gudiyadda iyo qaraarada kasoo baxay Shirweynaha Beesha
5-Dhamaan Beesha Ciise Muuse, waxaanu ka codsanaynaa inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan gudiyadii lagu soo doortay Shirweynaha Beesha Ciise Muuse.”
Guddoomiyaha shirguddoonka mudadii shanta casho ahayd ee shirku socday Cabndiraxmaan Awal Bari, ayaa xog-waran ka bixiyay xudduntii muranka ku kala tagsiisay shirarka Dubur iyo Berbera ee Beesha Ciise Muuse, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan idin sheegayaa shirka Dubur iyo ka ka dhacay Berbera wax foolxummo ah baa ina dhex yaalay, waxa sababayna waan idiin sheegayaa, sida dadka shacabka ah laynoo geliyayna waxa la leeyahay inagaa qaladka leh, laakiin inaynaan lahayn ee shirka Dubureed leeyahay baan idiin sheegayaa. Anigoo ah Cabdiraxmaan waxaan ka tegay Burco oo waxaan tegay Hargeysa, waxaanan ka qaybgalay shirarkii Hargeysa, anigoo soo jeediyay in la joojiyo oo dib loo dhigo, si laysugu yimaado oo talada loo wadaago oo madaxdhaqameedka halloo yeedho, waa la yeelay, dib baa loo dhigay, hadana waa laysu yimi oo waxaan ku taliyay in arrinta dhulka la dhigo, waa layga diiday oo waxa la yidhi ‘illaa Dubur la tago dub loo dhigi maayo’ halkaa markay maraysay xalkeeda waxa lahaa Wasiirkii reerka iyo Suldaanka Guud oo aan Ilaahay garansiin inay yidhaahdaan ‘haddii reerkii is-qabtay shir la tegi maayo, iyagiina waa kuwaa xagga Dubur raacay, waxaana halkaa inagaga dhacay foolxummo.”sidaa waxa yidhi Candiraxmaan Awal Bari.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inuu isagu badhasaab u yahay labada shir ee ka Dubur iyo Berbera, “Ma jecli khilaafkiisa inaan ku sii dheeraado wax badana ka odhan maayo” ayuu yidhi badhasaabku, isagoo intaa raaciyay “xaqiiqday iman doontaa cidii gar-darana maalinteedaa lala xisaabtami doonaa iyo cidda reerka kala saaray. waxaan leeyahay “walaalnimmo ninkii dilay, hadduu cabatin dayn waayo, xaajooyin duugoobay oo daalay baa iman”
Badhasaax waxa uu farriin u diray xisbiga UCID iyo siyaasiyiin aanu magac-dhabin oo uu sheegay inay meel aan waxba ugu jirin wax ka dayayaan, “Waxaan farriin u dirayaa kuwa siyaasiyiinta sheeganaya ee meel aan waxba ku jirin wax ka dayaya, sida UCID oo kale ee bayaanka soo saaray iyo kuwa beelaha kale ka tirsan ee dhinacyada raacay waxaan leeyahay ‘idiinkuma jirto fursadi, mana heli doontaan.” Ayuu yidhi Badhasaabku.
Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay inuu ka marag-kacayo shirka Berbera uga socday qaar ka mid aha cuqaasha iyo sallaadiintu inuu ahaa mid horumarineed oo ka madaxbannaan siyaasadda, maadaama mudadii uu socday aanay jirin cid cabatay iyo cid isqabsatay toona, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan jecelahay inaan in yar hoos ugu daadego shirka aad mudada halkan ku hayseen, waxaan ka marag kacayaa inuu ahaa shir dhaqan iyo mid horumarineed,ma jirto cid xafiiskayga hor timi oo cabanaysa,taasi waxay cadaynayaa marka dan guud laga hadlayo iyo dan reer. Haddii dan siyaasadeed ku jirto murankeeda iyo cabashadeedu way na soo gaadhi lahayd.” Maayar Cabdalle waxa uu intaa raaciyay, “Dadku wuu isu iman doonaa meel baa la wada fadhiisan doonaa, cidii kala shirisayna way soo bixi doontaa, taariikhdaana ka markhaati kici doonta “
Waxa kale oo iyaguna halka ka hadlay Jiif Caaqil Jaamac Caare Samatar, Jiif Caaqil Cumar Diiriye Yuusuf, Jiif Caaqil Maxamed Kaahin Cawaale iyo masuulliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Maxamed Faarax, Xildhibaan Dable, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Cali Maxamed Cilmi iyo Suldaan Maxamuud Axmed Xamdulle oo isagu soo xidhay shirka.
Sidoo kale, waxa halkaa laga xaadiriyay magacyada gudiyo dhawr ah oo ka shaqayn doona horumarka gobolka, dhaqanka iyo xallinta khilaafaadka siyaasiga ah.
Nuxurka War-murtiyeedka ka ka soo baxay shirkana isagoo dhammaytiran waxa uu u dhignaa sidan;
“Shirweynaha Koowaad ee Dhaqanka iyo Horumarinta Deegaanada Beesha Ciise Muuse, oo Maalinimadii 27.9.2011 ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Berbera.
Waxaana Madashaasi isugu yimi Xubno Tiradoodu dhantahay 200 Laba Boqol oo Qof isuguna jira Salaadiin, Cuqaal, waxgaradka iyo Aqoonyahanka dhalasho ahaan kasoo Jeeda Beesha Ciise Muuse.
Shirkan oo ahaa mid si wanaagsan loo soo Agaasimay isla markaana Qabsoomay Maalintii loo Qorsheeyay, iyadoo Xaqiiqo ahaana Shirkani ahaa mid ka madaxbanaan Siyaasadda lagagana Arinsanayey danaha guud ahaaneed iyo kuwa gaar ahaaneed ee khuseeya Beesha Ciise Muuse.
Hadaba furitaankii shirkan oo Maalintii koowaad ku bilowday Duco iyo Waanooyin laysku tusaaleynaayey qodobo dhowr ah.
Waxaa ka hadlay, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule oo ku hadlaayey Magaca Madaxdhaqameedyadda ee Beelweynta Ciise Muuse, waxa kale oo iyaguna kamid ahaa Caaqiladda ka hadlay Shirkaasi:
– Jiif Caaqil Jaamac Caare Samatar
– Jiif Caaqil Cumar Diiriye Yuusuf
– Jiif Caaqil Maxamed Kaahin Cawaale
– Jiif Caaqil Axmed Ibraahin Ilbir
Dhamaanba Caaqiladaasi iyo Waxgaradkii kale ee iyaguna ka hadlay Halkaasi waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Ujeedada Shirkani la isugu yimi oo ku kooban in Beesha Ciise Muuse ay danahooda kaga tashado.
wixii Fikir iyo Aara horumarineed ahna si weyn loogu hawlgalo Kadibna la helo Istiraatijiyad dhabaha u xaadhaysa Horumar dan u ah Bulshadda.
Wanaajinta iyo kor u qaadista Xidhiidhka Deegaan iyo ka walaalnimo ee Beelaha Somaliland iyo Beesha Ciise Muuse Wadaagaan. Ayaa iyaduna kamid ahayd Arimaha ay ka hadleen Madaxda dhaqanka ee Beesha Ciise Muuse ee Shirkani isugu timi oo ka koobnaa (2) Suldaan iyo (40) Caaqil.Isla maalintii 2-aad ee uu socdayna waxaa lagu doortay Shirgudoon ka kooban 3-Xubnood .
Gudoomiye: Cabdilaahi Aw Maxamed Cabdiraxmaan
Gudoomiye ku xigeen: Rashiid Axmed Maxamed
Xoghaye: Saleebaan Axmed Cabdi Kuwaasoo hawshoodu tahay Hogaaminta Nidaamka Shirka, ka dibna waxaa la gudagalay dhaqaajinta Ajendayaasha Shirka horyaaley oo ahaa 3-Qodob,
1)Adkaynta Amaanka iyo Nabadgelyadda guud , Xoojinta xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya Beesha iyo Beelaha la Deriska ah.
2)Horu marinta Deegaanka beeshani ku dhaqantahay dhinaca adeegyada Aasaasiga ah, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Korantada, Beeraha, iwm.
3)Tabashada Beesha (Fiiro gaar ah) Waxaa la isku raacay in la qaato soo jeedinta Guddiga Farsamo oo Iftiiminaayey inaan madasha lagaga Doodin Balse loo saaro Gudi gaar ah oo soo diyaariya Wixii tabasho ah natiijada u soo baxdana kala xidhiidha Cidda ay khusayso.
Gabagabadii Shirka ee Maalintaas waxaa laysla qaatay in la Sameeyo Guddi ka kooban (27) Xubnood iyo Koox Farsamo oo Isku soo dubaridda Ajandeyaasha .
Maalinta 3-aad ee Shirkana Gudiga Farsamadu waxay soo Hordhigeen Madasha Qaabdhismeedkii gudiga guud ay sii kala yeelanayeen sidoo kale gudi walba Waajibaadkoodii shaqo waxaana loo kala qaybiyey Sidatan .
A) Guddiga Horumarinta
1- Farxaan Liibaan Axmed
2- Kayse Cismaan Axmed ( Kayse Bushaaro)
3- Maxamed Axmed Rooble (Ina Dable)
4- Aadan Haybe Wacays
5- Cali Jaamac Faruur
6- Deeq Maxamuud Maxaed
7- Xuseen Maxamed Cali (Wadaadyare)
8-Xasan Maxamed Axmed
9-Maxamed Cabdi Faarax
B) Guddiga Xalinta Tabashooyinka Siyaasiga ah
1- Suldan Mohamed Mohamud Handule
2- C/laahi Aw Maxamed C/raxmaan
3- Jiif Caaqil Maxamed Kaahin Cawaale
4- Xildhibaan Maxamed Cumar Cabdi
5- Suldaan Cismaan Ibraahin Aw Maxamed (Tuulo)
6- Jiif Caaqil Rashiid Axmed Maxamed
7- Maxamed Aadan Jirde
8-Ismaaciil Ibraahin Cismaan
9-Aadan Cawil Cilmi
C) Guddiga Dhaqanka
1- Jiif caaqil Jaamac Caare Samater
2- Sidiiq Axmed Galiixe
3- Jiif Caaqil Cabdi Xirsi Dhuuxyare
4- Jiif Caaqil Cali Yaasiin Maxamed
5- Jiif Caaqil C/laahi Cali Jabane
6- Jiif Caaqil Cumar Diiriye Yuusuf
7- Siciid Muuse Guuleed
8-Nuur Xasan Faarax
9-Ismaaciil Maxamed Xaaji Ibraahin
1-WAAJIBAADKA GUDDIGA
HORUMARINTA
Waajibaadka shaqo ee Guddiga Horumarinta waxay ku salaysantahay in kor loo qaado Adeegyadda Bulshada ay kamid yihiin Waxbarashadda, Caafimaadka, Beeraha, Dhaqaalaha, Biyaha iyo Korontada .
A) WAXBARASHADDA
Waxbarashada oo loo kala saarayo Tacliinta Hoose iyo ta Sare. Sida aad la wada socotaana Beesheenu waxay u badan tahay reer Guuraa waxana laysla qatey in la dhiso Laba Dugsi dhexe oo Boodhin ah (boarding School). Kuwaasoo loo qorsheeyay in laga Hirgeliyo DHinaca Galbeed iyo Dhinaca Bari ee Berbera. Kuwaasoo Noqon doona Dugsiyo beeshu guud ahaan bixiso kharashka iyo wixii dawlad lala kaashan karoba. Si taasi u hirgashona Waxaa waajib ah in la Abuuro Qaadhaan ururin lagu wadayo Baahida Dugsiga. Tacliinta Sare waxa laysla qatay in la baladhiyo Jaamacadda Berbera oo hore u ahayd Kuliyadda Culuunta Badda, lagana furo qayb ka mid ah magalada Sheikh.
Dhinaca kalena waxaa laysla qaatay in Sanad walba laga Bixiyo Tobanka Arday ee ugu sareya ardada ka qali-jebisa dugsiyada sare ee gobolka Saaxil, Kharashka Waxbarashadda Jamacada si ay ardada ugu noqoto dhiiri gelin loona tartamo. Wakhtigan xaadirka ahna laga bixiyo Saddex Arday oo ku guulaystay W/barasho ay dalka Debediisa ka heleen, kuwaasoo u Xaniban Kharashkii Dhoofka oo dhan 2100$ (Laba kun iyo Boqol Doolar) Isugeyntooda.Si loogu dhiiri geliyo Ardayda Kale.
B ) CAAFIMAADKA
Waxaa Xaqiiq ah In Gobolka Saaxil uu wakhtigan ugu hooseeyo dhinaca Caafimaadka marka la barbardhigo Gobolada kale ee Dalka Somaliland. Ha ahaato Cisbitaaladda, Xanaanooyinka iyo Goobaha Caafimaadka (Health Post). Sida aad lawada socotaana Gobolkani wuxuu dhacaa Xeeb kulul oo leh Cimilo aad u adag, Waxaana Gobolka mara Laba Dariiq oo aad u dhaadheer kuna yaala buuralay, oo Isku xidha Bariga iyo Galbeedka Somaliland, waxaana si joogto ah uga dhaca Shilal badan oo dhinaca Gaadiidka ah, sidaas darteed waxaa laysla qaatay
– In la Horumariyo dhakhtarka weyn ee Berbera Lana tayeeyo siiba Qaybta qaliinka.
– In la furo Dhakhtarka Sheekh kaas oo uu dib u dhis ku Sameeyay Qalabeeyayna Sheekh Kuwayti ah.Hadaba waxa laysla qatey in loo dhamaystiro waxa ka dhiman oo la furo
– Waxa kale oo lays la qatay in laga dhiso Dacarbudhuq Rug arimaha degdega ah ee caafimad wax lagaga qabto.
– In la kordhiyo Xanaanooyinka iyo Goobaha Caafimaadka,ee deeganada beesha,loona raadiyo dawoyin ku filan.
C- Horumarinta Beeraha
Qarnigan dhinaca Horumarinta Beeraha waxa uu Aduun-weynuhu xooga saaray Xeelada ah in la yareeyo Biyaha Qulqulaya lana kordhiyo Biyaha dhulka gelaya ( Reduce Water Runoff and Increase Water Perculation .)
Hadaba wadamadii Xoogga saaray Qorshahaasi waxaa ka yaraaday Nabaadguurkii waxaana u kordhay Biyihii dhulka ku jiray, si aynu hadaba taa uga fulino Deegaanadeena waa inaynu u raadino Dhaqaale lagu Sameeyo Dhaamam iyo Xidhxidh Biyo hakin iyo Joojinba ah, Hay’adaha ku hawlan hurumarkana lagu Jiheeyo Nidaamkaa.
D- KORONTADA
Waxaa Doodii Shirka nooga soo baxday in asbaabaha sii Adkeeyay Nolosha Berbera ee hadda Taagan ay ugu mudantahay Qiimaha Laydhka oo aad u sareeya, taas oo keliftay inay iska bixin kari waayaan Dadka Danyarta ah ee Reer Ber bera oo Dakhligoodu aad u hooseeyo hadaba markii hoos loogu gundodegay waxaa cadaatay in Sababtu tahay Wakaalada Laydhka oo aan haysan Macaamiil farabadan oo ku filan.
Runtii magaalada oo aan dad yarayn waxaa Kelifay in Hay addo badan oo Dawli ah iyo Shirkado gaar loo leeyahay ay isticmaalaan Nal u gooni ah, Sidaa awgeed Culayska kharashiyaadkii Laydhku wuxuu dusha ka fuulay Dadkii Danyarta ahaa Ee Reer Berbera.
Waxaa hadaba waajib ku ah Gudiga inay arintan ka hawlgalaan iyagoo la kaashanaya Madaxda Dowlada ee Heer gobol iyo Heer Qaran, sidii wakaalada laydhka loogu soo dabaali lahaa Koronto badan oo laga Iib sado si ay danyarta u hesho Laydh qiimo jaban.
E- SHAQO LA’AANTA
Waxaa kale oo doodii shirka nooga soo baxday in Magaalada Berbera looga haajiray Shaqo la’aan ba’an oo ka jirta darted, taas oo ay sababtay khayraadka Dabiiciga ah ee Gobolka oo aan si rasmi ah looga Faa’iidaysan.
Hadaba falaqayn dheer ka dib waxa laysla qatay in la dhiiri geliyo Gobolka sidii maalgashi loogu samayn lahaa gudo iyo debedba.isla markaana gacmo furan lagu soo dhaweeyo cidii maalgashanaysa iyada oo la dhawrayo xaquuqda degaan iyo ta Qaranba.
.
2- Waajibaadka Shaqo ee Guddiga xalinta tabashooyinka Siyaasadda
A- Si Berberi u noqoto Magaalo Ganacsi oo Camiran Waa in lagu Dadaalaa in lagu kala Iibsado Badeecada Dekeda ka Soo degta Magaalada gudaheeda, si taa loo helo waa in Dawladda lagu dhiirigeliyo in ay dhaqangeliso Sharciga Kala Xadaynta Ganacsiga ee Caalamiga ah ( Kala saarida Ganacsatada wax soo Dejisa iyo Ganacsatada Sii Iibisa Alaabta soo degta) Afka qalaadna loogu yeedho ( Demarkation of Trade).
B- Wixii tabasho Beeshu ka qabto in lagala xidhiidho Cida ay khusayso Gudiduna ku dadaasho sidii Beeshu ay uga bogsan lahayd Tabashada .
C- Is Fahamsiinta iyo isu soo dhoweynta Beesha dhinaca Siyaasadda si beeshu u hesho Saamiga ay u qalanto ee Goleyaasha.
D- Gudidu waxay si joogto ah ula shaqaynaysaa Goleyaasha Siyaasadda ee Beesha iyada oo ka shaqaynaysa isku xidhka Goleyaasha iyo Dar dargelintooda.
3- WAAJIBAADKA SHAQO EE GUDDIGA DHAQANKA
A) Dib u habaynta Xeerka Beesha iyo waafajinta Shareecadda Islaamka
B) Xalinta Khilaafaadka Beesha dhexdeeda ah iyo Beelaha kaleba
C) Wanaajinta Xidhiidhka Beeshu la wadaagto Beelaha kale si qof kasta oo Beesha kamid ahi uga helo Gogol Nabadeed Beelaha kale dhexdooda.
4- QAAB DHISMEEDKA GUDIYADDA
Tirada guud ee Gudigu waxay noqon doontaa 27 Xubnood waxaanay yeelan doontaa Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghaye. Gudiga guud waxay usii kala baxaysaa Sadex gudi hoosaad.
gudiga marka lasoo xulayo waxaa la raacayaa Dariiqadan hoos ku xusan:
a- Gudiga DHaqanka
– Waa in qofka noqonayaa ahaado madax dhaqmeed.
– Waa inuu yahay Shaqsi Diinta islaamka aqoon u leh.
– Waa inuu Bulshada dhexdeeda karaamo ku leeyahay
– Waa inuu yahay Qof dhowrsoon dhaqan ahaan iyo Dabeecad ahaan.
– Waa inaan Dadiisu ka yaraan 40 Sano.
b- GUDIGA HORUMARINTA
- ugu yaraan Afar kamid ahi waa inay yihiin Ganacsato si ay ugu dhibyaraado ururinta dhaqaalaha.
Tirada hadhay waa inay yihiin Aqoonyahano ku sifoobay Aaminimo.
C- GUDIGA XALINTA TABASHOOYINKA
SIYASADEED
– Waa inuu aqoon Maamul leeyahay
-Waa inuu wax badan ka fahamsanyahay
Siyaasadda Wadanka
-Waa inuu noqdo Shaqsi loo soo Joogsan karo oo
Magacwayn ku leh bulshada dhexdeeda.
5- KAL FADHIYADDA GUDIYADDA
Fadhiyadu waxay u kala baxayaan laba Qaab Kuwaasoo kala ah Fadhiyadda Guddiga guud iyo Guddi hoosaadyadda.
a- Fadhiyada gudiga guud
-Fadhiyada waxa ay ku ansaxayaan sadex meelood marka ay
Fadhiyaan gudida laba meelood.
– Fadhiyadda cadiga ah ee gudiga guud waxay noqonayaan Saddexdii biloodba hal mar.
– in lagu kulmo soo jeedinta 14 Xubnood oo kamid ah gudida
– Soo jeedinta Gudoomiyaha ama Kuxigeenkiisa Xiliga uu maqanyahay Gudoomiyuhu.
–
b- Fadhiyadda Guddi Hoosaadyadda
-fadhiyada gudiyadu wuxu ku ansaxayaa sadex meelood
Marka ay fadhiyaan laba meelood.
– fadhiyada caadiga ahi waxay noqonayaan bishiiba hal
Mar.
– Soo jeedinta 5 Xubnood iyo wax ka badan
– Soo Jeedinta Gudoomiyaha ama ku Xigeenkiisa xilliga uu maqanyahay Gudoomiyuhu.
6- Mudada gudida:
Mudada gudidu jiraysaa waxay ahaanaysaa Shan sanadood oo ka bilaabanta Maalinta La ansixiyo.
7- Waayidda Xubinimadda Gudidu;
a- Kasoo Qaybgelis la aanta Afar kulan oo isku xigga Cudur daar la aan.
b- Marka uu ku dhaco Xukun Maxkamadeed.
c- Geeri
d-Is Casilaad.
8-Buuxinta Xubinimadda:
Marka ay dhacaan Xaaladaha ku xusan Qodobka D, xubintaasi Banaanaatay waxaa soo buuxinaya Guddiga dhaqanka Ee Beesha.
9- GO ,AANADDA IYO QARAARADDA GOLEYAASHA
– Waxay ku ansaxayaan Codka Sadex meelood laba meel ahaan,
– Soo jeedinta Ajandayaasha iyo Qaraarada waxaa soo jeedin kara Sagaal Xubnood.
10- Wax ka bedelka Xeer hoosaadka
waxaa wax lagaga bedeli karaa Soo jeedinta Sadex meeloodoow Meel ahaan iyo Ansxinta oo ah hal dheeritirada joogta fadhiga.