War Deg Dega: Guddoomiyihii Gobolka Oodweyne oo geeriyooday iyo Madaxweynaha oo tacsiyadeeyay

Hargeysa-(Berberanews)- Alle ha u naxariistii Guddoomiyihii Gobolka Oodweyne Marxuum Maxamed  Gahayr Xirsi, ayaa galabta maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

Marxuum Maxamed  Gahayr, ayaa xalay saddexdii dhexe loola cararay cisbitaal ku yaal Hargeysa, ka dib markii xaaladiisa caafimaad oo dhawaanahan liidatay ka sii dartay, halkaasoo uu galabta 4:00 ku geeriyoodey.

Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Oodweyne Marxuum Maxamed  Gahayr waxa uu ka mid aha guddoomiyayaashii uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, markii uu tallada dalka ku guulaystay.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo0, ayaadhambaal tacsiya u diray ehladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Gobolka Oodweyne oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Gudoomiyihii Gobolka Oodweyne MARXUUM MAXAMED GAHAYR XIRSI oo ku geeriyooday magaalada Hargeisa Galabta 02.10.2011.
 Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Maamulka iyo hawlwadeennada shebekadda Berberanews waxay tacsi u dirayaan qaranka, ehlada iyo qoyskii uu ka baxay. Waxaannanu Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Marxuum.

Berberanews.com

Burco, Somaliland

Email, info@berberanews.com