Isu Duwaha Wasaarada Dib u Dajinta Gobolka Saaxil oo Sheegay In 10 Qoys oo Kaliyi Baxeen.
Berbera-(Berberanews)-Tan iyo intii dawlada Somaliland ku dhawaaqday in dadka aan u dhalan dalku iskaga baxaan guud ahaan dalka aayaa Gobolka Saaxil oo ka mid ah Gobolada ay deganyihiin dadkaasi laga dareemayaa in aan wali dadkaasi iskood uga bixin isla markaana lagu arkayaa Suuqyada waaweyn isla markaana si caadiya isaga wata hawlahoodii ay markii horaba haysteen.
Hadaba si aanu arrintan wax uga ogaano ayaanu waraysi la yeelanay Isu duwaha Wasaaradda Dib u dajinta Gobolka Saaxil Jaamac Siciid Maxamed oo isagu intii hawshan lagu dhawaaqayba la socday, waraysigiina waxa uu u dhacay sidan.
S. waxaad nooga warantaa xaalada ilaa hada aad ka ogtihiin dadka aan u dhalan wadanka ee ku sugan Gobolka Saaxil?
J. Runtii way jiraan oo halkan wayjoogan laakin wali sidii la doonayey umay bixin.
S. Tiro intee leeg ayaad odhan kartaa illaa iminka way baxeen?
J. Inkastoo aanaan wali soo gabagabyn Tirokoobkaa hadana inta aan hayaa waa ilaa 10qoys oo ka kooban 40 qof waa inta anigu aan hayno laakin way dhici kartaa in ay intaa ka badani iskood u baxaan.
S. Waxaa jira dad iyagu Sharci ama aqoonsi haysta kuwaa maxaad ka yeelaysaan?
J. way jiraan laakin ma aha aqoonsi rasmi ah oo waa la garanayaa in aanay dalka u dhalan sharcigooduna waxay ku qaateen musuq masuq ama xiligii doorashooyinka ayey qaateen.
S Waxaa jira dad ay ha’adda UNICEF siisay waraaqo oo iminka halkan jooga kuwaana iyaga ka waran?
J. Runtii way jiraan oo haayadaasi way bixisay waraaqahaas laakin waxay ahayd in ay xero qaxoonti ah ku jiraan oo loo aqoonsado qaxoonti markaa iyaga qudhoda waa la mid oo waa la saarayaa.
S. Wasaarada aad halkan Saaxil u joogta awood intee leeg ayey u leedahay in ay hawshaa fuliso sidee laakin iminka u waajahaysaan mar hadii uu wakhtigii loo qabtay dhamaaday?
J. Weli waxaan ku sii shaqaynaa xafiis ku meel gaadh ah oo waanu sugaynaa kaayagii dhawaan laakin Maanta ayaanu bilownay arrintan waanaanu soo kormeernay aroorta hadii Ale yidhaahdo waxaanu Wasaarad ahaan iyo Dawladdahoose qaybta arrimaha Bulshada wada bilaabaynaa kaanbayn wacyi galin ah oo lagu wacyi galinayo in ay dadka aan u dhalan dalku iskaga baxaan maadaama oo uu wakhtigii loo qabtay dhamaaday.
S. Wakhti intee leeg ayaad u qabanaysaan in ay Gobolka Saaxil kaga baxaan?
J.w axaanu u qabanaynaa 2-3cash maadama oo wakhtigii hore ay ka faa’iidaysan waayeen.
S. Idinku hore ma u wacyi galiseen ilayn waxaa dhici karta in aanay ogayn baaqane ?
J. Way dhici kartaa laakin aroorta ayaanu si buuxda u bilaabaynaa ololahaas balaadhan oo gaadhi ayaanu sameecad saaraynaa kulana wareegaynaa Magaalada oo dhan.
S. Miyaanay dhici Karin in aanay qaarkood afkaba garanayn sidee loo fahansiinayaa ogaysiiskaa.
J. Marka qolada afka taqaana ay fahmaan iyagaa isgaadhsiin doona.
Dhinaca kale waxaanu la kulanay mid ka mida dadka iyagu haysta Kaadhka aqoonsiga Somaliland ee qaatay xiligii Doorashada isaga oo naga codsaday in aan magaciisa la sheegin waxa uu yidhi “Anigu waxaan haystaa kaadha aqoonsiga dalkana waxaan joogay mudo Lix sano ah markaa dawlada waxaan ka codsanaynaa il waanagii doorashadiiba idin codaynaye inay il gaara ku egto dadkayagaa haysta aqoonsiga.
Waxaa kale oo aanu la kulanay nin isagu Ganacsade ah oo Bacadle wayn haysta kana soo jeeda dalka Itoobiya gaaran qoomiyada oromada oo aanu weydiinay inuu ogyahay go’aanka lagu soo rogay inay dalka kaga baxaan waxaanu yidhi “ Waan maqlay ogaysiiskaa ana waxaan ahay ganacsade dhar jaban ayaan keena oo waxaan leeyahay macmiil farabadan oo xataa qaar ay dawlada u shaqeyaan markaa ma garanayo waxaan sameeyo.”
Gobolka Saaxil oo ah meel cimiladeedu kulashahay ayaan waayadii hore lagu arki jirin dadka Oromada ah, laakiin mudooyinkii u danbeya waxaa soo kordhayey tirade dadkaas iyada oo ilaa iminka ay xoog u joogaan Suuqyada waaweyn ee Berbera iyo meelo kale oo gobolka ka mida ah.
Khadar jamac Xaashi
Berberanews, Berbera