Berbera-(Berberanews)- Maxkammadda Gobolka Saaxil, ayaa maanta midkiiba shan sano ku xukuntay todoba xubnood oo ah budhcad-badeed Somali ah oo tobankii July 2011 maamulka dekedda Berbera ku gacan-saydheen markab Ruushku leeyahay oo damacsanaa inuu Somalikand u soo gacangeliyo, kuna daadiyay jaziirad aan ka fogayn biyaha Somaliland oo ciidanka illaaladu ka soo qabteen iyagoo heehaabaya.
Berbera oo labaddii sanno ee u danbeeyay xudun u noqotay xukunnada kooxaha budhcad-badeedka iyo argagixisada ee khatarta ku haya adduunka,ayaa weli halkeedii ka sii socdaan xukunnadaasi, lagana cabdi qabo weeraro aargoosi oo kooxahaasi ku badhtil-maameedsan karaan Berbera oo ay ku yaalaan ilaha laf-dhabarta dhaqaalaha dalku, sida dekedda Berbera, haamaha shiidaalka, maxjaradda xoolaha iyo goobo kale oo muhiim ahi.
Guddoomiyaha Maxkammadda Saaxil Cismaan Suldaan Ibraahin, ayaa xukunka maanta maxkamadda oo ay goob-joog ka ahaayeen kooxda budhcad-badeedka ahi waxa uu akhriyay warqadda eeda iyo qodobada xukunkooda uu u cuskaday, waxaannu yidhi.
“Maxkammadda Gobolka Saaxil markay aragtay xaashifa horgeynta laanta baadhista dembiyadda Saaxil eek u taariikhaysan 11/07/2011.
Markay aragtay xaashida eeda ka soo baxday xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Saaxil, kuna taariikhaysan 07/08/2011 ee ay ku soo eedaysay in todobada nin yihiin budhcad-badeed .
Markii loo akhriyay xaashida eeda xafiiska Xeer Ilaalinta waxay mid mid uga jawaabeen in aanay gelin dembiga, marka laga reebo eeda shannaad oo qirtay in ay ahaayeen budhcad-badeed, balse aanay xeebaha Somaliland waxba ka fulin.
Markay maxkammadu aragtay macluumaadka markabkii soo qabtay ee ah inay budhcad-badeed yihiin.
Markay dhegaysatay markhaatiyaasha maxkammadda la hor keenay.
Markay aragtay xaashida qiraalka ee qodobka 5aad inay ahaayeen koox budhcad-badeed ah oo ka qawlaysata badaha si ay madax-furasho lacageed u helaan.
Markay dhegaysatay gebogebada qareenka eedaysanayaasha oo ku difaacay inaanay ahayn budhcad-badeeda biyaha Somaliland ka ag qawlaysata, balse uu markab keenay dekedda Berbera, halkaasna lagu celiyay, ka dib markii u ku daadiyay xeebta bariga Berbera.
Waxay soo saartay xukunkan oo ay ku riday.
- 1. Maxamuud Aadan Xirsi
- 2. Cabdifataax Cali Daahir
- 3. Maxamed Cumar Maxamed
- 4. Xuseen Maxamed Siciid
- 5. Maxamuud Salaad Ismaaciil
- 6. Jaamac Maxamed Faarax
- 7. Cabdirisaaq Cabdillaahi shire.
Oo midkiiba shan sano oo xadhiga maxkammadu ku xukuntay, kuwaasoo ay maxkammadu sheegtay inay u cuskatay qodobadda Xeerka Ciqaabta Guud eek ala ah 230, 234, 118/37.”
Waxannu Guddoomiyuhu ku wargeliyay inay haystaan muddo 30 cisho ah oo ay rafcaan kaga qaadanm karaan xukunkooda.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com