Faadummo Qaasim Hilowle: Tiir ka baxay Fannaaniinta Soomaaliyeed

Londan(Berberanews) Alla Hawnaxariistee Fanaanadii caanka ahayd ee Faadumo Qaasim Hilowle oo kamid ahayd Hobaladii Waaberi ayaa saaka ku geeriyootay Cusbitaal ku yaal dalka Britain oo ay Mudooyinkii ugu danbeeyay degayd.

Marxuumad Faadummo oo fanka ku soo jirtay muddo 50 sanno ku dhawaad ah waxay kazoo jeeday qoys caan ku ah fanka, iyadoo aabeheed Qaasim Hilawle ka mid ahaa aas-aasayaashii fanka, gaar ahaan loo yaqaan banaadiriga horaantoo sodomeeyadii.

Fannaanadu waxay kooxdoo Hobolada Waaberi ka mid noqotay 1966, waqtigaa oo marxuumada la qoray Raayow Muqdisho. waxayna ka qayb qaadatay Riyaawadii ugu horaysay ee lagu furay Tiyaatarkii Muqdisho 1968, taas oo ahayd Riwaayadii caanka noqotay ee Shabeel naagood ee uu sameeyay Abwaan Xasan Sh. Muumin.
Marxuumada Faadumada Qaasim Hilawle oo ku luuqayn jirtay, isla markaana caan ku ahayd Heesaha Banaadiriga waxayna ka qayb qaadatay Riwaayado baddan.
Alle ha u naxariistee Marxuumaddu waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho sannadkii 1945kii.

Maamulka iyo hawlwadeenada Berberanews waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan Ehelada iyo Bulshada Soomaalida, iyagoo ka tacsiyadaynaya Geerida ku naxdinta leh eek u timi Fanaanada Marxuumada Faadumo Qaasim Hilowle, waxaannu Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Berberanews

Email, info@berberanews.com