Tehran, (Berberanews.com/Reuters)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan Maxamuud Axmed-dii Najaad ayaa wax laga xumaado iyo ayaan daro ku tilmaamay, Go’aanka dalka Turkigu Gaashaan Buurta NATO ugu ogolaaday in dalkooda laga hir galiyo hanaanka radaalada Digniinta ka sii bixiya weerarada cadowga.
Axmedii Najaad oo hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka dalkiisa ayaa ku tilmaamay in ujeedada radaaladaas loogu rakibayo dalka Turkiga ay tahay, in Israel lagaga ilaaliyo gantaalaha dalka Iiraan haddii dagaal dhex maro, waxaanu yidhi, “Ujeedadu waa in dhulka la haysto lagaga badbaadiyo gantaalahayaga, haddii dhaq dhaqaaq naga dhan ah Yuhuudu samayso aanu kaga jawaabi karno.”
Madaxweynaha dalka Iiraan waxa uu intaa ku daray in dalkiisu maamulka Turkiga gaadhsiiyay werwerka iyo sida uu uga xun yihiin heshiiskan ay Turkigu ku ogolaadeen Radaalada digniinta bixiya ee dalkooda Gaashaan buurta NATO ku rakibayso, gaar ahaana gobolada xuduudka Iiraan iyo Turkiga ku teedsan.
Geesta kale afhayeen u hadlay dawlada Turkiga ayaa magaalada Ankara ka sheegay in Radaaladani aanay wax dhibaato ah u lahayn dalalka gobolka, wax cabsi iyo daan daansi ahna aanay ku hayn dawladaha jaarka la ah.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com