Hargeysa-(berberanews)- Urur-siyaasadeedka Wadani oo manta lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, ayaa mideeyay siyaasiyiintii ku bahoobay inay xisbiga UCID iskaga baxaan kadib markii kii maxkamadda sare xukun ka soo saartay murankii xisbiga.
Urur-siyaasadeedkan cusub oo lagu magacaabo WADANI (Somalilnad National Party), waxa ku bahoobay siyaasiyiin iyo aqoonyahan fara badan oo isugu jira kuwii ka baxay xisbiga UCID oo uu ka maqan yahay Guddoomiyahoodii Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isagu la sheegayo inuu ka biyo-diiday iyo qaar wejiyo cusub ah oo ka kala yimi gobollada dalka.
Munaasibad ballaadhan oo lagaga dhawaaqay wanqasha urur-siyaasadeedkan oo maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin, siyaasiyiin, salaadiin, aqoonyahan iyo boqolaal dadweyne ah oo isugu jira rag iyo dumar.
Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee urur-siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo munaasibadaasi hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in ururkooda oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin iyo aqoonyahan badan uu u taagan yahay horumarka iyo midnimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Urur-siyaasadeedkani waa urur aanay cid gaar ahi lahayn sida ururkii aannu ka tirsanaan jirnay (UCID) oo cid gaar ahi yeelatay, waana urur ka dhexeeya shacbiweynaha Somaliland. Ururkan hoggaankiisa rasmiga ah waxa lagu dooran doonaa shirweynaha ururka oo aannu ku qaban doono muddo 90 maalmood gudahood ah,” ayuu yidhi Md. Cirro.
Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ahi waxa uu halkaasi ka akhriyey magacyada 19 xildhibaan oo ka mid ah 21-kii mudane ee xisbiga UCID ugu jiray Golaha Wakiillada Somaliland kuwaas oo dhammaantood sheegay inay iska casileen xisbigaasi, kana mid yihiin urur-siyaasadeedka Wadani.
Guddoomiye Cirro waxa uu ka hadlay mabaa’diida siyaasadeed ee uruku ku shaqan doono.
a. Ururka Wadani waxa uu horseed ka yahay Siyaasad xidhiidh ah kana muuqdo bisayl hogaaminadeed
b. Ururka Wadani waxa uu ka soo horjeedaa, siyaasad guryo-noqosho ah
c. Ururka wadani wuxuu u taaganyahay siyaasad ku salaysan wadajir, isku-duubni iyo danta guud oo loo midoobo si loo hormariyo wadankeena Somaliland
d. Siyaasadda ururka Wadani waxa u sal ah, wada-shaqayn dhexmarta dhammaan inta ku foogan siyaasadda Somaliland, oo laga gudbo siyaasadda ku dhisan muran iyo khilaaf.
e. Ururka Wadani wuxuu ka shaqaynayaa sidii Dhallinyarada Somaliland, dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay talada wadanka uga qayb gali lahaayeen, waxaanu taageeraynaa in hoos loo dhigo dada ay ku gelayaan dhallinyaradu golayaasha qaranka
f. Siyaasadda Wadani waxa mudnaan siinayaa deris wanaaga dawladaha Jaarka iyo wada-shaqayn ay ugu mudan yihiin dhaqaalaha iyo amnigu.
Afhayeenkii hore ee xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen (Codyare) oo isna madashaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ururkani uu yahay mid ay muddo dheer ka soo fikirayeen oo ay wadahadalo iyo wadatashi badan ka sameeyeen.
“Ururkan Wadani waa urur siyaasi ah, isla markaana u taagan horumarka wadankeena oo loo baahan yahay in aad garab-istaagtaan sidii uu uga mid noqon lahaa saddexda urur ee noqon doona xisbiyada qaranka,” ayuu yidhi Xasan Codyare.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland