Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada oo Hogaankooda Guud Doortay

Hargeysa-(Berberanews)- Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Axsaabta Qaranka,  ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa waxay ku doorteen  Hogaankooda cusub..

Sida lagu sheegay qoraal Guddidani soo saareen waxay ku sheegeen inay  Guddoomiyaha Guddida loo doorteen  Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), Guddoomiye Ku Xigeena ay u doorteen  Aadan Geeddi Qayaad, Xoghayahy guud-na loo doortay Cumar Xasan Axmed, halka Afhayeena ay u doorteen Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macalin).

Qoraalkan Guddidu ay soo saareen waxa  lagu sheegay in masuuliyiintan loo doortay si waafaqsan Shuruucda dalka iyo Xeer-hoosaadka Guddidaasi.

Magacyada Xubnaha Guddidu waxa kala yihiin sidan:-

1. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-Ciyaale)

2. Aadan Geeddi Qayaad

3. Cumar Xasan Jaamac

4. Xasan Axmed Ducaale (Xasan –Macalin)

5. Cabdale Ibraahim Maxamed

6. Maxamed Cabdi Maalik

7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali.