Hargeysa (Berberanews)- Khilaaf culus oo dhinaca sharciga la xidhiidha, ayaa ka dhex dilaacay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, iyada oo xuddunta khilaafkaasina tahay xubinnimada Golaha Wakiillada ee Md. Cirro ku fadhiyo.
Eng. Faysal Cali-waraabe iyo xisbiga UCID, ayaa maalmihii u dambeeyey weerar ba’an ku hayay Guddoomiyaha wakiillada, kadib markii uu 6 October 2011 ku dhawaaqay Urur-siyaasadeedka cusub ee WADANI, isla markaana iska casiliay xubinimaddii UCID, waxaannu guddoomiyaha UCID ku doodayaa in Cabdiraxmaan Cirro ku xad-gudbay qodobka 50aad ee dastuurka Somaliland iyo xeer N0.14/2011, sidaa darteedna ay xaq u leehiyiin inay xisbi ahaan soo beddeshaan xubinimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku fadhiyo Golaha Wakiillada, balse Guddoomiyaha wakiillada, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaha loo xambaariyey, isaga oo isku difaacay inuu xaq u leeyahay furashadda urur-siyaasadeed, isla markaana uu cod ku yimi golaha wakiillada, cid ka beddeli kartaana aanay jirin.
Weerarka Faysal Cali-waraabe
Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa qoraal uu shalay soo saaray kaga dalbay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u gudbiyaan Maxkamadda Sare ee Distooriga ah magaca xildhibaannada kaydka xisbigiisa ee Gobolka Saaxil uu u buuxiyo jagada xubinnimada Golaha Wakiillada Somaliland ee UCID oo uu sheegay inuu iska casilay guddoomiyaha golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku eedeeyey inuu jabiyey distoorka dalka iyo xeerka nidaamka ururrada siyaasadda iyo axsaabta qaranka.
Qoraal uu xarunta dhexe ee UCID ka soo saaray shalay Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu ku faahfaahiyey asbaabaha uu u cuskanayo dalabkiisa ku saabsan in xisbigiisu buuxsado xubinnimada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
“Annagoo tixraacyana iscasilaaddii uu ku dhawaaqay 6 October 2011 Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), taas oo uu ku sheegay inuu iska casilay xubinnimadii uu ku matalayey xisbiga UCID ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kuna jabiyey distoorka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa (50) iyo xeerka nidaamka furashada ururrada iyo axsaabta ee Xeer No:14/2011.
Waxaannu halkan ku caddaynayanaa in aannu ka aqbalnay iscasilaaddiisii uu ku banneeyey jagadii uu xisbiga UCID ku matalayey Golaha Wakiillada, soona buuxsan doono sida sharcigu na siinayo.
Sidaa daraadeed, waxaannu ka codsanaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inuu u gudbiyo Maxkamadda Sare magaca xubinta keydka ah ee xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil, si uu u soo buuxiyo jagadaas uu banneeyey mudane: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),” ayuu Eng. Faysal Cali-waraabe ku soo afmeeray qoraalka uu ku dalbaday in xisbigiisu soo buuxsado xubinnimada Golaha Wakiillada ee Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku fadhiyo.
Isdifaaca Cabdiraxmaan Cirro:
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo xafiiskiisa ugu warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa si kulul uga jawaabay hadallada ka soo yeedhay xisbiga UCID ee la xidhiidha inay beddelan doonaan xubinnimada wakiillada ee uu isagu ku fadhiyo golaha, isaga oo sheegay in aanay dastuurka meelna kaga caddayn in mudanuhu waayi doono xubinnimada Golaha Wakiillada hadduu ka baxo xisbiga uu ka tirsanaa.
“Shuruudaha lagu waayi karo xubinnimada wakiilladu dastuurka ayey ku caddahay. Meelna dastuurka kagama cadda haddaan xisbiga ka baxo in aan waayayo xubinnimada Golaha Wakiillada. Mudanuhu waxa uu ku soo baxay codkiisii oo isaga si toos ah loogu codeeyey, markaa xubinnimada wakiillada waxa lagu waayi karaa in mudanuhu geeriyoodo, inuu iska casilo golaha, in maxkamadi dambi ku hesho, goluhuna oggolaado, inuu shaqadiisa gudan waayo. Dastuurka kuma taal in mudanuhu waayi doono xubinnimada wakiilladda, haddii uu ka baxo xisbigii uu ka tirsana,” ayuu yidhi Md. Cirro.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay xisbiga UCID mid baal marsan dastuurka iyi shuruucda dalka, sidaa awgeedna loo baahan yahay in ay dib ugu noqdaan dastuurka oo ay soo akhristaan sharciga dalka u yaal.
Bayaaminta dastuurka ee xuddunta muranku ku salaysan yahay:
Qodobka 50aad ee dastuurka ee Faysal Cali-waraabe u cuskaday eedaha uu u jeediyey Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu qeexayaha qodobada xildhibaanku ku waayi karo xubinimada Golaha Wakiillada, balse meelna kagama cadda in mudanuhu xubintiisa wakiillada waayi karo hadduu uu ka baxo xisbiga uu ka tirsan yahay ama urur siyaasadeed cusub furto.