Xildhibaan Qabile oo Caddeeyey inuu iska Casilay Xubinnimadii Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID

Hargeysa-(Berberanews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil, ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu si buuxda isaga casilay xilkii iyo xubinnimadii golaha dhexe ee xisbigiisa UCID.
Md. Qabile oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay caawa shabakadda wararka ee Berberanews, waxa uu sheegay in aannu u saxeexin baaqii lagu sheegay in koox xildhibaanno ah oo uu ku jiraa ka baxeen xisbiga UCID, una digo-rogteen urur-siyaasadeedka cusub ee WADANI, balse uu hadda si cad ugu dhawaaqayo inuu iska casilay xubinnimadii golaha dhexe ee xisbigiisa.

“Marka hore waxaan hambalyaynayaa saaxiibbadayda ururka cusub ku dhawaaqay, anigoo fikirkooda ku hambalyaynaya, arrin laygala soo xidhiidhay muu ahayn, waxaanan ku maqnaa degaanka Dubur ee Sheekh.
Tan iyo intii ka dambaysay go’aankii maxkammadu ka soo saartay murankii xisbigana hal mar baannu kulannay, waxaanuna isku ogayn in wareeg labaad laysaga yimaad, lana hubsado. Haseyeeshee, arrinkii anigoon mar danbe ka warhelin ayaan arkay liiska xildhibaanno warbaahinta laga xaadiriyay oo magacaygu ku jiro, sidaa daraadeed waxaan qabaa fikirkayga siyaasiga ah ee xildhibaannimo inaannu mid fudud ahayn, waana qaraar ku xidhan mudanaha isagoo wax badan tixgelinaya.
Anigoo tixgelinaya xisbiga layga soo doortay, anigoo tixgelinaya hawlaha adag ee horyaal sharciga; anigu mudane ahaan waxaan go’aansaday in wakhtiga yar ee ii hadhay aan ka fuudh yeelo xilka iyo waajibaadka lay soo doortay, iyadoon laygama baran shakhsi ahaan inaan badheedhahayga la waabto.
Sidaa daraadeed, waxaan caddaynayaa inaan wakhtiga yar ee ii hadhay aan u shaqeeyo dadkii i soo doortay,” ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax Qabile.
Geesta kale, xildhibaanka oo si gaar ah ula hadlayey Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, waxa uu yidhi; “Faysal mid baan leeyahay; Guddoomiyaha xisbiga waa markii u horraysay ee aan warbaahinta ka wada hadalno, waxaanan leeyahay Faysal hubsiimo la’aan buu ku caan-baxay, sida uu warbaahinta qaar ku baahiyay maantana sideedaba iyadoo ay culays igu ahayd waxaan iska casilay golaha dhexe ee xisbiga. Arrinka kale ee ku saabsan mowqifkayga siyaasadeedna waqti kale ayaan la sugayaa.”
Xildhibaanka oo aanu weydiiyay su’aal u dhignayd sidan: maadaama aad tahay mudane laga soo doortay xisbiga UCID, haddii aad ka kaaftoontay xubinnimadii xisbigaaga miyaanay sharci ahayn inaad kursiga ku celisaan xisbiga, waxa uu ku jawaabay, “Culayska xilka qaranka ee maanta horyaal goleyaasha sharci-dejinta ayaan ahayn mid hawl dheeraad ah lagu lammaamanayn karo,” ayuu hadalkiisa ku afjaray xildhibaan Maxamed Faarax.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com