Ciidammada nabad-ilaalinta Midowga Africa oo gacanta ku dhigay xaruntii ugu weynayd ee Al-shabaab ku Diyaarin Jireen Hawlgallada Isqarxinta

Muqdisho (Berberanews)- Kooxda Al-shabaab, ayaa laga qabsaday xaruntii ugu weynayd ee ay ku diyaarin jireen hawlgallada isqarxinta oo ku taalay gudaha magaalada Muqdisho, kadib markii dagaallo lagu qaaday maalmihii u dambeeyey lagaga saaray goobo badan oo ka tirsan caasimadda dalka Soomaaliya.

Ciidammada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif oo iskaashanaya oo weerarro ku qaadayey labadii maalmood ee u dambeeyey goobo Al-shabaab ka talinaysay gudaha magaalada Muqdisho, ayaa ku guulaystay inay degaanno kala duwan kagala wareegaan kooxda Al-shabaab, waxana ka mid ah meelaha ay qabsadeen goob Caymiska, Ex kantarool Balcad, suuqa xoolaha iyo cusbitaalka SOS iyo goob muhiim ah oo Al-shabaab ku diyaarin jireen hawlgalladooda isqarxinta.

Goobtaas oo ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladdu u soo bandhigeen warbaahinta shalay, waxay sheegeen inay ahayd warshaddii u waynayd ee kooxda Al-shabaab ku diyaarin jireen falalka ismiidaaminta, waxana halkaas laga helay agab fara badan oo ah noocyada loo adeegsado samaynta walxaha qarxa.

Sidoo kale, waxa xaruntaasi loogu tegay walxo ay ka mid yihiin kiimiko fara badan, qumacyo, caagado, foostooyin, xadhkaha dabka, miinooyin iyo qalab si macmal ah la isugu sameeyey oo u shaqaynaya sida mashiinka si uu isugu dardaro waxyaabaha la isku qarxinayo.

Masuuliyiinta ciidammada dawladda Sheekh Shariif, ayaa sheegay in goobtaasi ahayd warshada ugu wayn ee Al-shabaab ka soo abaabuli jirtay falalka isqarxinta ee uu ugu dambeeyey kii horraantii bishan lala beegsaday goob xarun u ah wasaarado badan oo ay ku dhinteen dad ku dhaw boqol qof oo arday u badan.

Berberanews.com

Muqdisho, Somalia

Email, info@berberanews.com