Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti ballaadhan oo soo af-jaray safar shan maalmood qaatay oo uu ugu kuur-galay xaaladda qaar ka mid ah gobollada Bari ku soo maray Togdheer, Sanaag, Sool iyo Oodweyne, ayaa saaka ku laabtay caasimadda Hargeysa .
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay saaka madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, Xildhibaanno, wasiirro xukuumadda ka tirsan, iyo dadweyne tiro badan, waxa uu salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka baamboyda.
Madaxweyne Silaanyo oo xalay u hoyday magaalada Ceerigaabo waxa uu saaka ka soo raacay diyaarad khaasa oo keentay Madaarka Hargeysa, isagoo mudadii uu ku sugnaa Ceerigaabo oo ahayd goobta uu ku soo gebogebeeyay safarkiisa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada intii xukuumaddiisu talada haysay, islamarkaana u balanqaaday dadweynaha Gobolka Sanaag wixii awoodooda ah inay xukuumad ahaan kala qaybgeli doonaan dhismaha wadada rafka ah ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.
Dareenka shacabka gobolada Madaxweynuhu booqday
Badi shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Oodweyne waxay si isku mida oo farxadi ku dheegantahay u soo dhaweeyeen Madaxweynahooda oo ay ugu danbaysay sannad iyo badh ka hor xilligii uu ahaa murashaxa xisbiga KULMIYE ee ololaha doorashadii Madaxwtooyadda 2010, taasoo dadkii codka siiyya badankoodu yididiilo gaara gelisay madaxweynihii ay doorteen oo tan iyo intii uu xilka qabtay markii ugu horraysay dib ugu laabtay, isagoo aan cod ka doonayn.
Qaybo ka mid ah bulshada gobolladaas oo iyagu codkooda siiyay xisbiyaddii UCID iyo UDUB ee tartanku ka dhexeeyay Madaxweyne Silaanyo waxay isweydiinayeen Maxaa ka hirgalay ballanqaadkii uu xisbiga KULMIYE galay xilligii ololaha doorashada? kuwaasoo si toosa farta ugu fiiqayay gol-daloolooyinka iyo ballanqaadyada aan fulin, wallow marka isbar-bar dhig lagu sammeeyo wakhtiga sanadka iyo dhawrka billood ah ee xukuummadu jirtay, waxa qabsoomay iyo waxa baaqday aan la odhan Karin xukuumadu way lumisay ballanqaadkii ay fulisay.
Guulaha Safarka Madaxweyne Silaanyo
Guulaha ugu weyn ee ka dhasahay safarka Madaxweyne Silaanyo ugu baxay gobolada Bariga, waxa ka mid ah isagoo noqday Madaxweynihii ugu horreeyay Somaliland ee si nabadgelyo ah ku tegay, kagana soo noqday magaalada Laascaanood oo dhawrkii sano ee u danbeeyay hoy u noqotay kooxo nabad-diid ah oo falal dil iyo qaraxyo ah ku fuliyay masuulliyiinta Somaliland eek u sugan Sool.
Sidoo kale, waxa guulahaas ka mid ah inuu Madaxweyne Silaanyo gaadhay fadhiisinka ciidanka qaranka ee xadka Somaliland iyo Puntland oo wax ka yar 20km u jirta magaalada Garoowe, safarkaasoo noqday mid ka cadhaysiiyay maamulka Puntland oo xurgufi ka dhex taagantahay Somaliland.
Maxaa ku cusbaa safarka Madaxweynaha?
Muuqaallada Safarka Madaxweyne Silaanyo waxay noqdeen mid aad looga hadal-hayo gobollada Somaliland oo dhan, laguna macneeyay mid u eg tabihii iyo xeeladii jabhaddii SNM ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Madaxweyne Silaanyo addeegsan jirtay marka ay hawlgal fulinayso amma sahan tegayso “Jabhadayn”
Safarka Madaxweynaha oo ay ku weheliyeen mujaahidiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, ayaa ahaa safar ay ku jaahwareereen dadweynuhu, marka aynu milicsano sida aan marqudha looga war helin magaalooyinka uu booqanayo oo inta badan qarsoodi ahaa, dadweyne badana fir-ka-nax ku noqotay marka uu is-dul-taago.taasoo dad badani ku macneeyeen inuu Madaxweyne Silanayo la soo baxay xeeladii jabhadaynta.
Madaxweyne Silaanyo waxa safarkiisa ku weheliyay Taliyayaasha ciidammada qaranka iyo booliska, iyadoo ay ahayd markii ugu horraysay ee labada taliye-ciidan marqudha wada raaceen Madaxweyne Silaanyo.
Waftiga Madaxweynaha waxa ka mid ahaa Marawada Madaxweynaha Aamina Waris, Gudoodmiyaha Xisbiga Kulmiye, Muj: Muuse Biixi Cabd, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka, Abdicasiis Maxamed Salaame. Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, Wasiir Xanaanada xoolaha, Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Warfaaftinta Axmed Cabdi Xaabsade, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye. Muj; Maxamed Kaahin Axmed. Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan. Labada Taliye ee ciidamadda Policka Iyo Meletariga iyo Afhayeenka Madaxtooyada.
Filashadii Reer Saaxil
Inkasta oo magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ahayd magaaladii ugu horraysay ee nasiib u yeelatay in Madaxweyne Silaanyo booqashadiisii ugu horraysay ku tago markii madaxtinimada loo dhaariyay, hadana dadweynaha reer Saaxil waxay saddexdii maalmood ee u danbaysay ku jireen diyaar-garowga soo dhawaynta Madaxweyne Silaanyo oo ay filayeen inuu booqan doono, balse hadal-hayntaasi waxay isugu biyo-shubatay mid aan rumoobin, ka dib markii Madaxweynuhu diyaaradii ka soo qaaday Ceerigaabo si toosa u geysay Madaarka Hargeysa.
Gobolka Saaxil oo intii xukuummada cusubi jirtay laga hirgeliyay mashaariic horumarineed oo suurtageliyay in magaalada Berbera ku soo noqotay cammirnanatii iyo ganacsigii ay ahaan caanka ku ahayd sagaashamaadkii oo bulsho oo duruufo kala duwan uga hayaamay dib ugu soo laabteen, hadana bilihii u danbeeyay waxa ka taagnaa gobolka Saaxil tabashooyin ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, kuwaasoo sababay in 29-kii September Beesha Ciise Muuse shir ku qabsato deegaanka Dubur, iyadoo shirkaasoo daaha ka rogay kala-qaybsanaan siyaasadeed oo masuulliyiinta beeshaas xukuumadda kaga jirtaa la kala safteen koox shirka diidanayd iyo kuwo si toosa uga qaybgalay shirkaas oo qodobo laga soo saaray mid ka mid ah lagu cambaareeyay faro-gelin xukuummadu ku sammaysay muddadii qabanqaabadda.
Dadweynaha Beeshaas oo dhawrayay safarka Madaxweynuhu waxay u sii diyaar-garoobeen qarnaqsi ay Madaxweyne Silaanyo kala yeeshaan inuu caddeeyo mawqifkiisa rasmiga ah ee kala qaybsanaanta siyaasiyiinta Gobolka u metela xukuummadiisa iyo cabashooyin muddooyinkii u danbeeyay ka taagnaa maalgashiga Wershadda sibidhka Berbera oo uu ruqsad labaad bixiyay Madaxweynuhu, iyadoo ay ruqsad hore haystaan ganacsato doonaysa inay dib u kiciso wershadda, taasoo labada dhinac ka dhex dhalisay khilaaf cirka isku shareeray oo aan weli xal loo helin.
Bahda Berberanews
Email, info@berberanews.com