Golaha Guurtida oo soo jeediyay in la dardar geliyo xafiisyadda Somaliland ku leedahay dalalka Debaddiisa

Hargeysa-(Berberanews)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay dood adag ka yeeshay Siyaasada Arrimaha dibada, waxaanay soo jeediyeen in la dar-dar galiyo Shaqada Xafiisyada iyo Safaaradaha Somaliland ku leedahay dalka dibadiisa.

Fadhigii Maanta oo uu Shirguddoominayay Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha ahna ku simaha Guddoomiyaha Md. Siciid Jaamac Cali waxa Fadhiga doodooda ka soo jeediyay Mudanayaal dhawr ah, kuwaas oo talooyin u soo jeediyay Xukuumada iyo Wasaaradda Arrimaha dibada.

Xildhibaan Cabdilaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Xildhibaanadii ka hadlay fadhigaasi ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in socdaalada Wasiirka Arrimaha dibaddu ku tago dalalka dibada lagu xoojiyo Mudaneyaal ka tirsan  labada Gole, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Wasiirka Arrimaha dibaddu socdaalo ayuu dibada ku tagaa waanu soo noqdaa, wuu inoo waramaa oo waxa uu inoo sheego uun baynu qaadanaa Gole ahaan way fiican tahay inaynu dhegaysano, waxaanse soo jeedinayaa in socdaalada dibadda  ee Wasiirka u baxo lagu darro Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Guurtida  iyo Wakiiladda si loo xoojiyo qadiyadeena oo loo tuso in loo dhan yahay,”

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa sheegay in Xafiisyadii ay Somaliland ku lahay dalka dibadiisa ay dabaceen waxaana uu yidhi

“Safaaradaheena dibada iyagana beryahan dambe guux yar ayaa ka jira kiro  lagu yeeshay ha noqoto ama wax kalee Wasiirka Arrimaha dibada waynu u yeedhay Gole ahaan inuu ina hor yimaado oo waynu waydiin doonaa,”

Waxa kale oo Xildhibaanku uu soo jeediyay in Wasaarada Arrimaha dibadu aanay ka dabcin Safaaradaha Somaliland u fadhiya Adduunka,  waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay safaaradaheena dibadu yaanay inaga dabcin waa inay shaqeeyaan oo ay waliba Safaarada

Somalia ka dhaqaale bataan oo  ay ka muuqdaan Inay ka dawladaysan yihiin”

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ahaa Waftigii Deeqda u qaaday dadka Abaaruhu ku habsadeen ee ku sugan Xeryaha Qoxoontiga dalka Kenya, ayaa  sheegay in Somaliland ay magac balaadhan ku mutaysatay kaalmadii ay gaadhsiisay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee ku jira Xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya, waxaanu sheegay in dawlad Kenya ay arrintaas ku tilmaantay talaabo weyn oo Somaliland qaaday.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland