Isku-shaandhayn la Filayo in Madaxweyne Siilaanyo ku Samaynayo Xukuumaddiisa iyo Masuuliyiinta Meesha ka Baxaya

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqo isku-shaandhayn ballaadhan oo uu ku samaynayo golaha xukuumaddiisa, isla markaana ku magacaabi doono masuuliyiin cusub, sidoo kalena xilalka kaga qaadayo xubno kala duwan oo isugu jira wasiirro iyo madaxda hay’adaha madaxabannaan ee dawladda.

Inkasta oo aan ilaa hadda si cad loo ogayn nooca ay noqon doonto tallaabada isku shaandhaynta ah ee Madaxweynuhu la maaggan yihiin xukuumaddiisa iyo cidda isbeddelkaasi saamayn doono.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo u dhuun-daloola Madaxtooyada ayaa shabakadda Berberanews u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xilalka ka qaadi doono xubno isugu jira wasiirro iyo qaar ka mid ah madaxda hay’adaha madaxbannaan, waxaanay sida ilahaasi tibaaxeen ka mid ah ragga xilalka laga qaadi doono ee isku-shaandhayntaasi galaafan doonto wasiirrada Xannaanada Xoolaha, Caddaaladda, Qorshaynta iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha kala duwan ee Gobolka Saaxil.

Warku wuxuu intaa ku darayaa inuu Madaxweynuhu markale xubno wasiirro noqda uu ka qaadanayo xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana mudanayaasha sida weyn loo hadal-hayo ka mid ah Md. Axmed Maxamed Diiriye oo la sheegay in loo magacaabayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo xildhibaan Dable oo isaguna beddeli Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo sida ilo-wareedyadu xuseen aanay beryahan isku san-bannaanayn Madaxweynaha, sidoo kale jagada Wasiirka Cadaalada, ayaa la filayaa in loo magacaabo Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dadweynaha ee Madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir, halka laysku beddeli doono wasiirrada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta.

Dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa caasimadda Hargeysa si weyn u dhex xulayey wararka ku saabsan isku-shaandhaynta Madaxweynaha Somaliland damacsan yahay, taasoo lagaga bixinayey faallooyin iyo saadaal ku saabsan ragga saaxadda ku soo biiri doona iyo masuuliyiinta meesha ka baxaya ee seeftu qaadan doonto.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com