Xukuumadda Somaliland oo daboolka ka qaaday inay Hirgelinayso nidaam ay ku kala xadaynayso Ganacsiga Dalka

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday qorshe ay doonayso inay ku kala xadayso nidaamka ganacsiga, islamarkaana liisammada ganacsiga laga laali doono shirkaddaha waaweyn ee bixin waaya cashuurta ku waajibtay.

Wasiiradda Ganacsiga, Warshahadaha iyo Dalxiiska oo maanta shir jaraa’id oo ay arrintan kaga dhawaaqeen xarunta Wasaaradda Ganacsiga ku dhawaaqay hirgelinta qorshaha kala-xadaynta gacansiga, lagana bilaabu doono afar gobol.

Wasiirka Ganacsiga, Warshahada iyo Dalxiiska Mr. Cabdirisaaq Khaliif oo halkaai ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey ujeedada hawshan ay u bilaabeen, waxaannu yidhi, “Barnaamujkan muddo ayaanu soo wadnay diyaarintiisa, waxaannuna ugu talogalnay in aynu muddo kooban ku samayno baayac-mushtarkeenii oo inoo kala soocan oo wixii soo degayey iyo wixii dhoofayey aynu ogaano inta uu yahay liisamadoodiina aynu siino wixii xuquuq ah ee lagu lahaana halkaa lagaga qaado, taas oo noqonaysa in laga daba faa’iido iyo inuu bixiyo cashuurta ku waajibtay, qolada jumladlayaasha oo iyaga 99% aan cashuur lagama qaado, liisana lama siiyo iyagana in sidaas oo kale loo raaco.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in isha dhaqaale ee dalka oo ah ganacsiga ay dad koobani xuurtaysteen, “Dhaqaalaha ay nolosheenu ku xidhan tahay waa ganacsi, xoolo ama beer hadba mid halaga ganacsade, ganacsigaasi inuu gacan keliya wada galo oo ay ummaddu meel qudha wada hoos joogsato waxa ka habboon, lana kala xadeeyo si ay faa’iidadu dadka u wada gaadho, taasina waa daryeel in la sameeyo gacmo kala hooseeya oo ku kala faa’iida ganacsiga dalka,” ayuu yidhi Mr. Khaliif.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo isna madashaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey qorshahan oo uu sheegay inuu aasaas u noqon doono helitaanka cashuur fara badan oo dawladda laga lunsado.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ka waramay ganacsiga aan kala xadaysnayn ee dalka ka jira iyo sida uu dhibaato ugu hayo dawladda, waxaannu yidhi, “Markii aannu samaynaynay arrintan sannadkii 2003 waxaannu uga jeednay in aanay cashuuruhu ku dhex lumin ganacsatada, berigii hore ganacsadaha wax soo dejiyaa marka uu keeno alaabtiisa wuxuu ku iibin jiray dekedda, kadibna waxa la wareegi jiray jumladlaha markaasuu isaguna ka sii iibin jiray ganacsadaha tafaariiqlaha ah, laakiin iminka ninkii wax soo dejinayey wuxuu ku qaadayaa gaadhigiisii oo bakhaarkiisii ayuu gaynayaa, halkaa waxa ka baxay cashuurtii iibka, waayo ganacsadaha uu ka iibiyo lacag baa lagu yeelan lahaa, marka uu bakhaarkiisii dhigo ayuu haddana tafaariiqaynayaa oo ilaa kaaryoonaha ayuu isagu wataa, halkaana waxa lumay cashuur iib oo kale, markaa ninkaasi waxa uu lunsaday laba cashuurood, waxa kale oo meesha ka baxay wixii dadka iyo ganacsatadu sii kala macaashayeen, ganacsigii dalkuna waxa uu isagu soo ururay wax aan tobaneeyo qof ka badnayn.”

“Haddii laga maarmi waayo marka hore ee dekedda uu ka soo dejiyo bakhaarkiisaba ha geeyee inuu bixiyo cashuurtii iibka, marka uu bakhaarkiisa geeyo ee la diiwaangeliyana in lagula xisaabtamo. Caalamkan aynu u tahriibayno ee dhibaatada aynu u maraynaa waxooga ayuun bay urursadaan, inaguna intaa in le’eg waynu haysanaa oo waynu urursan karaynaa,” ayuu intaa raaciyey Wasiir Xaashi.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com