Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyihii ololaha doorashooyinka xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa shaaciyey in hankiisa ay ku jirto sidii uu iska dhex sharixi lahaa xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, isaga oo beeniyey wararka sheegaya in isaga iyo ragga kale oo UDUB ka tirsani ay ku hawlan yihiin sidii au u furan lahaayeen urur-siyaasadeed cusub.
Mr. Cismaan Hindi oo Jamhuuriya waraysi khaas ah la yeeshay shalay, waxa uu caddeeyey muhiimadda ay qaranka u leedahay inay talada dalka ka qaybqaataan dhallinyarada, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, isagoo madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyey go’anka uu ku gaadhay in la furo ururrada siyaasadda.
Wargeyska Foore ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa cadadkiisii shalay ku baahiyey in Cismaan Hindiiyo wasiirkii hore ee Caddaaladda Mr. Aadan Cilmi Dhoolayare ay ku hawlan yihiin inay iska baxaan xisbiga ay ka tirsan yihiin ee UDUB, isla markaana ku dhawaaqaan urur-siyaasadeed cusub.
Su’aal arrintaas la xidhiidha isagoo ka jawaabayey waxa uu yidhi; “Anigu horta maan jeclayn in aan wakhtigan arrimo siyaasadeed oo xaasaasi ah ka hadlo, laakiin haddii aad qoladiina saxaafaddu ii timaadeen wixii aad I waydiisaanba waan idiinka jawaabaya, haddii aan ka hadlo arrintan ah in aanu urur furanayno waxa ii maqal ahayd abaaro galinkii dambe (galinkii dambe ee shalay) mar ay ila soo hadleen saaxiibadayda madaxada sare ee UDUB ka tirsan, waxayna ii sheegeen in wargeyska Foore ay qortay arrintan, waayo caado waxa ii ahayd in aad subaxnimada shaqo tago, markaa maanta (shalay) oo aan yara xannuunsanayey ayaanan shaqo tagin, saaxiibbadayna markii ay meeshii iga waayeen, telefoonkayguna noqday maalintii u horraysay ee uu xidhnaa ayay wax badan ku dhalan karaan maskaxda aadamiga. Sidaa daraadeed, ayaanan arrintan uga warqabin, laakiin haddaan su’aashaada u soo laabto, mudane Aadan Cilmi Dhoolayare ee ad tidhi wargeyska aayad ku wada taaleen oo ah raggii aannu isku xisbiga ahayn ee aannu saaxiibbadda ahayn, aragti waxa iskugu kaaya dambaysay markii aannu xilka wareejinay, iskadaa maqal iyo wax kale oo aanu wada samaynee.
Markaa arrintaas waa waxba kama jiraan, halkii ay warka ka keeneena iyaga ayey u taal, aniguna Cismaan ahaan siyaasadda kama sinnaysto oo kolba meeshaan u arko in danta qaranku taal ayaan ku sawiranay, markii aan KULMIYE ahaa waan ku sawirnaa, iminkana UDUB ayaan ahayn oo aan ku sawiranahay, haddii aan maanta mid kale ku sawirnaan lahaana maan qarsadeen oo bannaanka ayaan soo dhigi lahaa, waxaanna hankayga ku jira in aan murashax u noqdo xisbiga aan ku sawiranahay ee UDUB, rag ka xun sumcadda, magaca iyo sharafta aan ku leeyahay xisbiga UDUB gudaheeda iyo dibadiisa iyo guud ahaanba ummadda Somailand dhexdeeda iyo hankayga ayaana arrintan waxba kama jiraanka ah faafinaya.”
S: Adigu sidee ayaad u aragtaa furashada ururada-siyaasadda?
J: Horta waxa xusid mudan in markii aannu ololaha doorashada ku jirtay saddexda xisbiga qaran in ballanqaadyo aannu ku kasbanayno codbixiyeyaasha ay naga soo yeedhi jireen oo saddexdayada xisbiba ku kala duwanayn. Xagga KULMIYE ka ballanqaadayey oo u arkayey in danta ummaddu ku jirto furashada ururrada, halka xisbigayaga UDUB isaguna ka soo horjeeday una arkayey in danta ummaddu sidaa ku jirto. Qodobadaasina waxay ka mid ahaayeen waxyaabihii guusha KULMKIYE soo dhawaysay, waxana had iyo jeer muqadas ah inaad ka dambayso doonista ummadda, waanan ku hambalyeynaa xukuumadda maanta inay ka dhabeeyeen qodob ka mid aha waxyaabihii ay ku ololeeyeen ee doonista ummadda la xidhiidhay oo ahaa in ururrada la furo, sabab aan uga soo horjeedsano ma jirto.”
S: Xisbiga UDUB hadda waxa lagu wadaa dib-u-habayn oo waxa la sameeyey guddiyo arrintaasi ka shaqaynaya, iminka adigu dhaqdhaqaaqyada xisbigaas aad madaxdiisii ka mid ahayd kama dhex muuqatid, ma isbeddel siyaasadeed oo adiga kuu gaar ah ayaa kugu yimi?
J: Hore waxaan saxaafadda ugu baahiyey oo aan su’aalihii caynkaas ahaa kaga jawaabay in markii aannu xilka wareejinay aan ku foofay arrimo aniga ii gaar ah oo muddo dheer qabyo iga ahaa, ilaa iminkana aan ku dhex jiro gebagebadii hawlahayga ii gaarka ah, xisbigayguna sidaa igaga war hayey. Arrintan dib-u-habaynta xisbiga iyo guddiyada ka talinayaba arrin aan moogannahay maaha. Xulistii guddiyadaas raggii magacaabay ayaan ka mid ahaa, taasina kama dhigna haddii aad guddida ka maqan tahay xisbigii ayaad ka maqan tahay oo guddoomiyihi xisbiga iyo xoghayihii iyo rag badan oo kale kuma jiraan.
Guddida waxa awoodoodu ku salaysan tahay wada-tashi iyo inay raacaan hannaanka aanu u dejinay oo aan muran ku jirin, kuna salaysan dimuqraadiyad xisbiga gudihiisa iyo dibaddiisaba ah iyo isku haynta bahweynta xisbiga UDUB oo ah sidii shaashadda la isaga wada arki lahaa kii hore ugu jiray iyo kii xisbiga ku soo biirayba, taas oo ah in aannu dadka tusno in aanu nahay xisbigii keenay nabadgelyada iyo horumarka aynu ku naaloonayno oo ay hormuud ka yihiin dhallinyarada iyo haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, taasina tahay waxyaabaha aannu xisbiyada kale kaga duwannahay.
S: Bal faahfaahin ka bixi waxaad uga jeedo in shaashadda laga wada muuqdo iyo haweenka iyo dhallinyarada aad soo hadal-qaadday?
J: Waxaan uga jeedaa in xisbigu yahay mid qaran oo lagu wada dhan yahay reer Somaliland oo dhan koone ilaa koone, tusaalena u yahay xisbi ku sifaysan ka guuridda qabyaaladda ee u guuridda qarannimada, hormuudna u yihiin raggii xisbiyahanka ahaa, dhallinyarada iyo haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, arrintaas oo ah udub-dhexaadka reer Somaliland, taasi ayaanan rajaynaynaa inay ka soo baxdo shirarka xisbiga u socda iyo dib-u-habaynta xisbiga lagu wado.
S: Waxa jira mooshin Golaha Wakiillada horyaal oo la xidhiidha wax-ka-beddelka xeer Lr.20 si dhallinyarada jaanis loogu siiyo ka qaybgalka talada dalka. Waxa kaloo jira guddi heer qaran ah oo madaxweynuhu u saaray inay ka soo tallo bixiyaan qaabka haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay siyaasadda looga qaybgelin karo, arrintaas sideed u aragtaa?
J: Aan ku horreeyo tan dambe ee ah guddida madaxweynuhu u saaray ka talo-bixinta qaabka haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay siyaasadda looga qaybgelin lahaa, arrintaasi oo aan ku hambalyeynayo madaxweynaha, waana muhiim inay ka dhex muuqdaan kana helaan qayb libaax siyaasadda dalka lagu maamulayo iyo tallooyinkeedaba. Ta kale, waa muhiim miisaankeeda siyaasadeed leh in dhallinyaradu ka qaybgalaan golayaasha dalka looga taliyo, hadday tahay golaha degaanka, baarlamaanka iyo madaxtooyadaba si mustaqbalka loo heli hoggaan waayo arag ah oo la soo koray siyaasadii dalka, taas oo ay ka soo dhex bixi karto dhallinyarada iyo faca cusub ee soo koraya, waxaanan golayaasha sharci-dejinta ka codsanaaya inay arrintaas siiyaan muhiimadda koowaad oo ay suurtogeliyaa wax-ka-beddelka xeerkaas dhallinyarada siinaya fursadda ay tallada dalka kaga qaybgeli karaan.
S: Waxaad ka warrantaa sida aad u aragto safarkii madaxweynaha ee gobolada bariga dalka iyo natiijooyinkii ka soo baxay?
J: Horta shalay maanta maaha. Markii la kala riixanayey kuraasta ee la is hirdiyayey ee la ficil tamayey ee loo kala dheeraynayey kursiga ugu sareeya dalka, madaxweynuhuna maaha guddoomiyihii xisbiga KULMIYE, balse waxa weeyaan madaxweynaha qaranka Somaliland ee uu ka tallo qaadanayey xisbiyada mucaaridka ah, taladdana wax ka siinayey, waxana nasiib-darro igu noqotay madaxweynihii qaranka oo ay barbar ordayaan Guddoomiyihii xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiye-ku-xigeenkii wakiillada oo labadoodaba xafiisyadoodu furnaayeen, ayna ahayd inay shaqadooda gutaan, taasi oo ah inay xukuumadda Somaliland xisbiyeynayeen ama KULMIYE-nayeen, waxaanan leeyahay madaxweyanaha oo aan u sheegayaa inuu yahay madaxweynihii qaranka, hadduu rumaysan waayana waan ugu dhaaranayaa.
Safarka madaxweynaha waan ku hambalyeynyaa inuu dib ugu noqdo dadkii soo doortay oo uu xogogaal u noqdo xaaladaha ay ku sugan yihiin.
S: Markii madaxweynuhu tegay Ceerigaabo wuxuu sheegay in aanay xukuumad ahaan kelidood samayn Karin jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Waa run haddii madaxweynuhu yidhi; xukuumad ahaan ma lihin awoodda aannu ku samayno jidkaasi, waayo samaynta jidadku wax dhib yar maaha, taasoo aan weliba aqoon gaar ah u leeyahay oo aan ahay injineer arrimaha caynkaas oo kale ah ku takhasusay, isla markaana aynu nahay waddan dhaqaalihiisu kooban yahay oo aan ictiraaaf dibada ka haysan, miisaaniyaddeenuna tahay tahay wax aad u yar, laakiin waxaan leeyahay madaxweynaha waxaad haysataa ummadidi reer Somaliland oo kuu diyaar ah ka dibada jooga iyo gudaha joogaaba inuu ka qaybqaato horumarka waddanka.
Waxaan ogahay sidii aad u kasbatay in qurba joogu xiliigii mucaaridka KULMIYE caawiyaan iyo dhaqaalihii aad ka heshay, maantana adigoo madaxweynihii qaranka ah waad maali kartaa qurba jooga KULMIYE, UCID iyo UDUB ee u heellan inay ka qaybqaataan horumarka dalkooda, waxaanuna diyaar u n ahay saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu inay gacmaha isqabsadaan oo ay iska kaashadaan horumarka dalka.
Waxaan leeyahay madaxweyne ninka qurba-joogga ah ee reer Somaliland waxba kuma ah in $100 doollar ee uu qoyskiisa u soo dirayo inuu soo raaciyo $1 doollar oo qarankiisa ku caawiyo. Waxaan leeyahay in xawaalahada ay yaalaan kaydka reer Somaliland ee muddada dheer maalayey inay markoodii tahay oo ay ku deeqaan qayb ka mid ah khidmadaha ay ka qaataan dadka lacagaha soo dira, taasina waxay la mid tahay in ugu yaraan haddii sannadkii qurba-jooggu $1 milyan dollar soo diraan oo ay $1 doollar qarankooda u soo raaciyaan, xawaaladuhuna $1 doollar ku daraan waxay noqonaysaa in sannadkii $2 milyan oo dollar qaranka u soo xeroodaan. Markaa haddii hal milyan oo reer Somaliland ah maalintii $1 doollar qarankooda ku caawiyaan waxay noqonaysaa $1 milyan oo dollar, dalkagana horumar baa lagu gaadhsiin karaa.
Waxa madaxweyne loo baahan yahay in aad gudi u saarto maamusha sidii qurba-joogga iyo dadweynaha reer Somaliland loo maali lahaa. Haddii mucaarid iyo muxaafid gacmaha la is qabsado oo dalka loo shaqeeyo waxa la gaaadhi karaan horumar ballaadhan oo lagu dhisi karo jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo iyo guud ahaan dalka oo dhan.
Xigasho Jamhuuriya