Hargaysa(Berberanews)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0174/10/2011 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne.
Madaxweynuhu :-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda uu Gudoomiyuhu u leeyahay Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne,
Markuu la Tashaday: Madaxda ay khusayso.
Markuu Ku Qancay: In uu buuxin karo, Aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta 16.10.2011 uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyadda