Bali-gubadle(Berberanews) Dagaal culus oo bilaabmay shalay Duhurkii oo dhex maray labada beelood ee ka degta deegaanka Kililka 5 aad ee Itoobiya ee ka soo kala jeeda Gobolka Hawd (Arab) ee Somaliland iyo Deegaanka Dhagax Buur(Ogaadeen) ayaa sababay dhimashada iyo dhaawac maleeshiyada labada beelood ka soo kala jeeda
Sida ay wararku ku soo gaadheen wargeyska Waaheen waxa uu dagaalku sababay dhimashada Hal nin iyo Afar dhaawac ah oo ka soo jeeda deegaanka Bali-gubadle halka toddoba dhimasho iyo dhaawac ah-na laga soo sheegayo dhinaca beesha dhagax buur, hase yeeshee ilaa hada waxa la soo sheegayaa khasaaraha dagaalkaasi inuu intaa ka badan yahay.
Dagaalkan oo ah mid qadhaadh waxa la sheegay in ay soo qaaday dhinaca maleeshiyada beesha ka soo jeeda Dhagax-buur taasoo soo weerartay reer miyiga deegaanka goobta uu dagaalku ka dhacay oo ah deegaanka Duud-qaada oo u dhaw deegaanka Yoocaale oo ah gudaha xuduuda dhinaca Itoobiya oo ay labada beelood ood-wadaag ka yihiin.
Dagaalada labada beelood dhex mara ayaa muddooyinkan danbe aad u soo noqnoqonaya, waxaanay wararku sheegayaan in Maleeshiyo ka tirsan ONLFT-ta ka soo jeeda deegaanka dhagax-buur iyo Maleeshiyo reer miyi ahi ay inta badan wadaan weeraro is-daba joog ah, kuwaasoo ay labada dhinac-ba ka soo gaadhaan khasaare dgimasho, dhaawac iyo Hanti Maaliyadeed-ba leh.
Dawladda Itoobiya ee ay deegaankeeda ka dhacayaan dhibaatadan soo noqnoqonaysa ayaan iyadu ilaa hada ku guulaysan inay labada beelood ka dhigto Heshiis ama aan sugin Amaanka deegaanadooda mar kastana waxa ay dhibaatadu qabsataa labada dhinac taasoo beel kastaaba dhinaceeda ka abaabusha diyaar garaw iyo feejignaan.
Sources, Waaheen